Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Sababta ay booqashada ugu tageen weftigii cuslaa ee dawladdu gobolka Sanaag

“socdaalkan dawladdu idiinku timi waa rabitaanka shacbiga Somaliland ee walaalihiina..”M/weyne Muuse Biixi

Ceerigaabo(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey munaasibad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyey magaalada Ceerigaabo oo wefti heer qaran oo uu hogaaminayo booqasho shaqo uga bilaabantay, ayaa sheegay inay dawladdu si weyn u danaynayso horumarinta iyo midnimada bulshada ku dhaqan gobolka Sanaag ee ugu balaadhan dalka.
Md. Muuse Biixi Cabdi oo hogaaminaya weftigii ugu miisaanka cuslaa ee ka socda dawladda ee booqasho hawleed ku tegay gobolkaasi, kana mid yihiin labada guddoomiye ee goleyaasha baarlamanka, guurtida iyo Wakiillada Saleeban Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa khudbaddiisa oo aad u koobnayd ugu horayn kaga dareen sida loogu qaabilay magaalada Ceerigaabo, isagoo kaga waramay taariikhda facaweyn ee uu leeyahay gobolkaas.
“Waxa maanta (Shalay) farxad iyo Sharaf noo ah Ilaahayna ugu mahadnaqaynaa inaynu nabad isugu nimi xaruntii gobolka Taariikhda, Gobolkii Awoowayaasha, Gobolkii Udugga, waxana aan aaminsanahay inuu mudan yahay inay dawladdu maanta halkan wada joogto oo ay u soo guurto, waayo marka la eego dhul ahaan gobolka Sanaag wuxuu Jamhuuriyadda Somaliland ka yahay bogolkiiba Soddon iyo dheeraad, marka juquraafiga loo eeggo jamhuuriyadda Somaliland, waa gobolka baaxaddaas leh, ee bad leh, ee buuro leh, dooxooyin leh ee ay dad iyo duunyaba ku dhaqan yihiin dhulka intaa leeg.
gobolka Laysla qirsan yahay inuu degen yahay ka soo jeedo saldanada ugu faca weyn Somaliland oo laysla ogolyahay inuu ilaa faraaciinaddiina xidhiidh la lahaa, markaa waxaanu nidhi mar haddii aynu tegayno gobolkii awoowyaasha, ilbaxnimadda iyo xadaarada kala hadhi maynee ina mariya, umaddii Somaliland ee kale salaanbaanu idiinka sidnaa, qadarinbaanu idiinka sidnaa, ixtiraambaanu idiinka sidnaa”ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.
Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeedada socdaalka weftiga culus ee uu hogaaminayo iyo qaddiyadaha muhiimka ah ee gobolkaasi u gaarka ah, kuwaasoo sababay inay dawladdu culays miisaankaas leh ku waajahdo “socdaalkan dawladdu idiinku timi waa rabitaanka shacbiga Somaliland ee walaalihiina oo dhan oo waliba waxa meesha ku jirta waxa lays waydiiyey maanta haddii halkaa loo kacayo, gobolkaasi waa daraf, waana balaadhayey, waxaas oo nimco ahina way degen yihiin, khayraadkuna way ku badan yihiin, Kalluunkii oo dabaalanaya, Xoolihii iyo nimcooyinkii kale, sidaasaanu idiinku nimi, aad iyo aad ayaanan idiinka mahad-naqaynaa soo dhaweyntaas milgaha leh madaarka ilaa gurigaa aan joogno aad u taagnaydeen”ayuu mar kale yidhi Madaxweynuhu.
Weftiga heer qaran ee Madaxweynuhu hogaaminayo ayaa wakhti mucayim ah ku sii sugnaan doona gobolkaasi, gaar ahaan magaalada Ceerigaabo oo ay kulamo kula yeellan doonaan hormuudka qaybaha bulshada.