Wefti ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo kaga qaybgalay Itoobiya Carwo ganacsiyeed

Agasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cismaan Siciid oo ay weheliyaan ganacsato kasoo jeeda Somaliland ayaa Xalay ka qayb galay xidhitaanka carwo ganacsiyedka 12th Ethio-Chamber International Trade Fair.
Waxaa barbar socday xafladda xidhitaanka carwada caawa, kulamo gaar gaar ah oo Agaasimaha guud iyo ganacsatada uu hogaminaayo la yeesheen xubno ka mid ah dawladda federaalka ethiopia oo ay ku jiraan Wasiirro sida Wasiirka Shaqogelinta Mr Nigussu Tilahun Gebreamanuel iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga ee Ethiopia Mr Melaku Ezezew.


Waxaa kulan gaar ah oo casho ah Agaasimaha iyo ganacsatada uu hogaaminaayey la qaateen xubnaha rugta ganacsiga Ethiopia.
Waxa sidoo kale kulamo goonigooni ah weftigu ay la yeesheen ganacsatada kasoo qayb gashay xafladda xidhitanka carwada kuwaasoo isugu jiray ganacsato iyo maalgashadayaal Ethiopian ah iyo kuwo ajaanib ah oo qayb ka ahaa carwada iyo kuwo wufuud ahaan ugasoo qaybgalay oo kayimid waddamada Africa iyo beesha caalamka.


Kulamadan waxaa kaalin weyn ka qaatay Safarada Somaliland ee dalka Ethiopia.
Waxaa iyana qabanqaabada iyo iskuduba ridka kulamadan qayb laxaadleh ka qaadatay shirkadda yagleel event management .