Dacarta: Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo daaweyn Caafimaadka u fidisay Fardo Abaartu nuglaysay

Dacarta(GNA)-Wasaaradda Xannaanada xoolaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ololle talaal ah ka fulisay degmada Dacarta oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, kaasoo lagaga talaalay 27 Faras xanuunnada Nafaqo-darada , dulinka Shillinta iyo caalka,kaddib markii aad looga dayriyey xaalada ay ku sugan yihiin Fardahan oo ay si xun u saamaysay Abaarta dabada dheeraatay.
Talaalkan oo ay fuliyeen Dr. Cabdirisaaq Cumar Cabdi iyo Dr. C/khaaliq Faarax Maxamuud oo ka socday wasaaradda xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga ayaa muddo hal maalin ah ka socday degmadaasi, waxaana si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha degmadaasi ku dhaqan oo hore qaylo-dhaan uga bixiyey inay u dhintaan nafaqo-darro iyo cudurrada ka dhasha xaalada Abaaraha.
Qaar kamida bulshada deegaanka ee fardaha dhaqda ayaa sheegay inay xaalada farduhu halis gashay kaddib markii ay abaartu ku daba dheeraatay, isla markaana ay u waayeen biyo iyo baad ay ku daryeellaan, balse ay hadda rejaynayaan inay daaweyntan kaga baaqsadaan inay joogsadaan.
Fardahan la talaallay waxa kamida geenyooyin dhalay oo aad u itaal-dareeyey iyo gamaan xejin waayey xilliga dheeraaday ee Roob iyo tigaad la’aanta.
Axmed Cabdi Yey iyo Ayaanle Cabdilaahi oo kamida fardoolayda ayaa uga mahad naqay Wasaaradda xannaanada kaalmada deg deg ah ee ay la soo gaadhay Fardahan, iyagoo dhinaca kalena ka dalbaday in laga caawiyo calafka Xoolaha iyo wax kasta oo lagu samato-bixin karo gaadiidkan nugulka ah.
Degmada Dacarta ayaa kamida meelaha aadka loogu dhaqdo Fardaha Gobolka Maroodi-jeex.