Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo laba kulan la yeeshay Safiirrada Midowga Yurub & Safiirka SWEDEN

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”, Murashaxa Madaxweyne Kuxigeenka Xisbiga Amb. Maxamad Cali, Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal, ayaa shalay iyo maantaba kulamo la yeeshay wefti ay hoggaaminaysay Safiirka Midawga Yurub Ambassador Tiina Intelmann, oo ay wehelinayeen Safiirka Dalka Sweden Ambassador Per Lindgärd iyo Maria Groenevel oo ah La Taliyaha Siyaasadda ee xafiiska Midowga Yurub.

Ugu horreyn, Xisbiga WADDANI ayaa soo dhaweeyey waftida Midowga Yurub uguna mahad naqay booqashadooda iyo saaxiibtinamada soo jireenka ah ee u dhaxaysa Midowga Yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

Mahadnaq kaddib, dhankooda Midowga Yurub ayaa welwel iyo walaac ka muujiyey khilaafka siyaasadeed ee dhex yaala Xukuumadda talada haysa iyo Asxaabta Qaranka, gaar ahaanna arrimaha la xidhiidha doorashooyinka.

Kaddib wada hadal qoto dheer, waftida Midowga Yurub waxay soo jeedisay in khilaafka Xukuumadda iyo Asxaabta Qaranka dhexdhexaadin iyo wada-hadal lagu xallilo.

Xisbiga WADDANI waxa uu Safiirrada u caddeeyey mawqifka Xisbiga WADDANI oo ah in aysan jirin Doorasho kale oo ka soo horrayn karta Doorashada Madaxtooyada JSL ee 13 November 2022 iyo in Xukuumaddu Komishanka Doorashooyinka Qaranksa fara-gelinta iyo cadaadiska ka dayso si ay waajibkooda sharci u gutaan, sida oo kale In ay lagama maarmaan tahay in xubnaha iska casilay loo soo buuxiyo si dhakhso loogu bilaabo diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Ugu dambayn Xisbiga WADDANI, waxa uu u sheegay aragtiyaha uu ka qabo sida khilaafka lagu xallili karo. Iyada oo ay shirarkaasi ku soo dhammaadeen jawi wanaagsan iyo isfahan sare.
Dhammaad.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Mudane Maxamuud Aadan Jaamac Galaal.