Arrimaha taagan ee muranka dhaliyay iyo aniga fikirkayga

Jamhuuriyadda Somaliland waynu ka dheregsanahay arrimaha hadda aloosan iyo halka ay ku salaysan yihiin oo waxay ku uruurayaan Doorashada madaxtooyada hala qabto 13 November iyo diiwaangelintii Ururradu waxay bilaabmaysaa bisha June ee soo socota.

Doorashooyinka dalka ku soo fool leh iyaguna waxay u kala baxsan yihiin sidan soo socota:

1. Diiwaan gelinta iyo furista ururada

2. Doorashada madaxtooyada

3. Guurtida oo Wakhtigu ka dhacay oo is dhuubaya, runtiina ay ahayd inay Iyo xal u raadiyaan murankan doorashada ee SOMALILAND hadheeyay.

Sharciga ama dastuurka qaranka ayey ku cad yihiin ama qeexaya sida iyo xilliga ama wakhtiga u cayiman in la qabto doorasho walba.

Waxa imika hadalku ka bilaabmay in ay isku soo beegmeen doorashooyinka dooddu ka taagan tahay iyo sidii loogu heshiin lahaa sida loo qabanayo ama loo kala duwi lahaa maadaama aynu imika uu ka soo gudubnay doorasho laba gole oo dhaqaaleheeda uu keli inagu noqday, Iyo suuqa waaheen oo aynu dhibtiisa laxaadka leh ognahay.

Ururrada diiwaan galintoodu iyo hawshooduba waxay ku soo beegmaysaa xilligii la qaban lahaa doorashada madaxtooyada.

Xiisada siyaasaddeed ee Khilaafka la xidhiidha, ayaa sababtay qodobadan soo socda:

Runtii in arrin sharci Iyo mid kalaba la isku qabto, waana wax dhaca ama dhacayba, maadaama ilaahay dadka aanu isku fikir ka wada dhigin, mar walba waa la kala aragti duwanaanayaa ,laakiin waxa muhiima in la wada fadhiisto oo xal la gaadho sidii caadada ahaan jirtay.

Murankan ama khilaafkan doorashooyinka ee imika jiraa wuu ka duwan yahay khilaafyadii hore ee noocan ahaa, waana aragtaan in arinkii sharciga ahaa ee la isku haystay ee ay ahayd in sharci iyo is fahan lagu kala baxo, uu isu badalay ama laga dhigay mid qabiil oo cawaaqib xumo reebi karta, Ilaahay inaguma keenee, isla markaana noqday mid ka duwan arimahii hore ee laysku qaban jiray, waxay hadda xaaladu isu badashay far la taago oo hanjabaada, kicin bulsho Iyo qabyaalad heerkii u sareeyay, iyadoo Waxa la isku haystaa aanu ahayn wax aad u adag oo aan la xalin karin, ee uu yahay isdiidmo lagu dhamayn karo sifo sharciga waafaqsan, is afgarad iyo isu tanaasul ah mid shicibka loogu tudhayo.

Waxa uu murankani saameyn weyn ku yeeshay xasiloonidii siyaasaddeed, nabad-gelyada dalka iyo midnimada umadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Arrimahan cakirmay ee car Iyo wir Iyo kicin bulsho maraya, taasina ay sababtay in khilaafkani saamayn balaadhan uu ku yeesho bulshada meel kasta oo ay wadanka ka joogaan, iyada oo dadka uu aad u saameeyay ee durtaba raba inay xabad ama qori qaataan ay yihiin in yar oo ah inta ugu caqli xun shicibka, isla markaana ah in yar oo aan xisbi Iyo reer matali karin, waxa kale oo uu saamayn balaadhan ku yeelan karaa dhalinyarada qayb ka mid ah oo ah inta yar ee marna qabyaalad lagu koriyay ama aan lahayn caqli ama garasho ay ku gartaan in ay wax badan oo wanaagsan ilaahay siiyay ay nabadu u horayso.

Waxa kale oo murankani keeni karaa in cidii wadankan maalgashan lahayd gudo Iyo debedba ay iyaguna joojiyaan horumarkii Iyo maalgashagii ay u wadeen Somaliland siday u dhan yihiin, siyaasadii dibada ee sida wacan u socotayna dhaawici karta. waxa kale oo aynu ognahay inay jiraan abaaro baahsan, sidoo kale suuqii waaheen oo la gubtay 40% dhaqaalihii SOMALILAND oo u baahan dhaqaale badan.

Aynu u soo daaddegno arrimaha laysku hayo iyo xalka’e.
khilaafku wuxuu ku salaysan yahay Doorashada madaxtooyada hala qabto iyo ta Ururrada halaga soo horaysiiyo, iyadoo labadan arrimood dastuurka iyo xeerarka ka farcamay ee Doorashadu qeexayaan.

Haddaba, Maxaa diidaya in xisbiyada la diiwaan geliyo oo la helo sadex xisbi oo cusub intaan doorasho madaxtooyada la qaban? Maxaase diidaya in mar la wada qabtoba?

Inta aynaan ka jawaabin su’aaashan iyo kuwo kaleba, arrimahan imika taagan oo kale marar badan oo hore ayey ina soo mareen oo aynu xalinay, waxaanay noqdeen casharo iyo khibrado aynu ka dhaxalay arrimahaa hore ee la isku hayay maxaa ku dheeraad ah tan hadda taagan?

Su’aasha kale ee aan idin weydiinayaa akhristow waxa weeye, labada doorasho ee ururrada Iyo madaxtooyada ma la wada qaban karaa isla wakhti?

Maxay yihiin caqabadaha u diidaya in mar la wada qabto labada doorasho hadiiba ay jiraan caqabado?

Anigu shakhsiyan waan aaminsanahay in la wada qaban karo.

Hadiise labadaba sida sharcigu dhigayo la qaban waayo wakhtigooda miyaanay sharci jabin ahayn?

Dhibta jirta in la qabto doorashada madaxtooyada wakhtigeeda maxay tahay?

bal si cilmiyaysan uga faallooda oo sababee adigoo ku salaynaya si sharciga waafaqsan.

Anigu Shakhsiyan aan ku celiyo mar kale’e, waxaan aaminsanahay in ururrada la furo si ay nasiibkooda u qaadaan oo ay dadka kale ee hanka lihi ay ururradoodu u tartamaan si ay uga mid noqdaan saddexda xisbi qaran ee iman doono haddii alle u calfo, taasi oo keeni doonta in la helo dhiig cusub. waxaa iyana muhiim ah in la qabto doorashada madaxtooyada oo la qabto wakhtigeeda si aynu u sii korino hannaanka dimuquraadiyaddeed ee dalkeena lagu majeerto.

iyadoo ay arrimuhu ku kooban yihiin labadan qodob ee fudud maan fahmin sababta ay xisbiyada qaranku uga baqayaan in ururrada la furo oo bal UCID gartaye wuxuu Xisbiga WADDANI u diiddan yahay isagoo xisbiga wadani uu helay cod aqlabiyad ah oo 44% haystay Doorashadii madaxtooyada ee dhawayd imikana wacdaraha ka dhigay labadii gole ee hada la doortay.

Halkaa i fahansiiya bal? Maxay tahay baqdintaasi?
sidoo kale, iyada oo aynu arkayno halka uu buuqa siyaasaddu marayo, waxaa isweydiin mudan meeday kaalintii shicibka wanaagsan iyo doodihii ay ka geli lahaayeen arinkan taagan? maye culumadii Iyo warbaahintii kala duwanayd?
Maxay tahay sababta warbaahinta looga arkayo inta xun ee kicinta bulshadu kow ka tahay?.

Dhamaan su’aallahan iyo kuwo kaleba waa kuwo ka guuxaya maskaxda iyo maanka caafimaadka qaba, waxaana runtii wax lagu farxo ah in bulshada intooda badan ama 99.9 shicibku aanay raali ka ahayn in nabadgelyadoodda, walaaltinimadooda, is dhex galkooda iyo dhaqaalahooda sinaba aan loo khalkhalin, taasoo ina tusaysa in aanay kuwa buunka belaayada tumayaa haysan fursad ay ku yeelli karaan tooda, haddii ay isku dayaan inay wax sameeyaana ay ceeb iyo faddeexaad uun ka dhaxli doonaan iyo inay sharciga waajahaan.

gebagabadii, anigoo ku hadlaya magacayga, magaca dhalintii aan ka midka ahaa ee 20 February 1982 eee dhagax-tuur iyo magaca inta badan ee wanaaga iyo nabada jecel ee wadaniyiinta dhabta ah, waxaan leeyahay shicibka SOMALILAND waxaa ka dhexeeya nabada guud ee aynu ku naaloonayno 31 sano innaynu ilaashano.
kuwa kicinta Iyo fitno inay dhacdo ku baaqayana waxaan leeyahay SOMALILAND shicibkeedu ka kore oo dhaafe xiligii colaado iyo dagaalo loogu baaqi lahaa ama la gelin lahaa, dawladana waxaan ugu baaqayaa tobankaa shakhsi ee kicinta iyo belaayada ku baaqaya in lagu qaado sharciga ka yaala arinkaa.

Qolyahan xisbiyada Iyo dawlada ee fikirka ku kala duwana waxaan ugu baaqayaa inay bulshada dhibta Iyo caqli cayga ka daayaan oo aanay marna bulshada cod ka doonin, markay tooda noqon waydo ama sharcigu xakameeyana aanay kicin iyo colaad ku baaqin.

Waa inay wada fadhiistaan oo xal waara la gaadhaa si degdega ah.

Shicibku iyagaa xisbi Iyo dawladba doorta, oo fartooda idinku oo idiin doorta in ay iyaga u adeegtaan ama qaranka u shaqeeyaan, ha noqonina inaad dantiina gaarka ah ka horaysiisaan ta qaranka iyo shicibkaa idin sharfay ee idin doorta , Idinka oo kuraasta aad fadhidaan ilaa maalintii la idin doortay oo qaarkiin ku fadhidaan 20 sano.

Ugu dambeyn xisbiyada iyo xukuubaddaba waxaan leeyahay Dalka iyo dadku idinka uun maaha ee ka xishooda dadka idiin codeeyay iyo qarankaba

Shicibkuna ha ogaadaan in dantooda ugu wayni ay tahay nabad gelyada guud isla markaana ay tahay in iyagoo isku duuban ay wada ilaashadaan nabadooda, hadii kale xisbiyadaa aad u codaysaan marna colaad ha idinku beeraan oo dagaal ha idiinku yeedhaan, marna codka na siiya ha idin yidhaahdaan.

Ahmed Yasin Mohamed Jama