Senate-ka Maraykanka oo dood ka yeeshay Iskaashiga Somaliland

Guddiga Xidhiiidhka Arrimaba Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa Khamiistii dood ka yeeshay Xeerka Iskaashiga Somaliland (Somaliland Partnership Act) oo qayb ka ah xoojinta xidhiidhak Somaliland iyo Maraykanka.

Sida lagu baahiyey mareegta rasmiga ah ee guddiga Xidhiidhka Dibadda ayaa lagu sheegay in fadhi guddigu u dhan tahay oo qabsoomay Khamiistii, ayaa lagaga dooday Xeerka Iskaashiga Somaliland oo ah Ajande dowladda Maraykanku kor u qaadayso cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland.

Guddoomiyaha Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Aqalka Senate-ka Xildhibaan Bob Menende ayaa shir-gudoominayey fadhiga Golaha, waxaana doodda ka mid ahaa qodobo kala duwan oo ku saabsan Xeerka iskaashiga Somaliland.

Guddiga xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Maraykanka oo ay xubno ka yihiin James E Risch, Chris Van Hollen, iyo Mike Rounds, ayaa 17-kii bisha March ee sannadkan Golaha u gudbiyey qabyo-qoraalka xeerka Iskaashiga Somaliland, iyadoo laba jeer oo ay ka doodeen Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda.

Xeerka oo qodobo badan xambaarsan ayey ugu muhiimsan tahay dalabaad sharci oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka lagaga dalbanayo inuu Congress-ka u soo gudbiyo warbixin-sannadeed ku saabsan kaalmada la siiyo Somaliland iyo inuu sameeyo daraasad la xidhiidha suurtogalnimada iskaashi dhinaca ammaanka ah oo lala yeesho Somaliland isagoo la kaashanaya Xoghayaha Difaaca Maraykanka.

Xeerka Iskaashiga Somaliland oo qayb ka ah Qadiyadda Ictiraafka Somaliland iyo iskaashi dhow oo u bilaabma Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Maraykanka, ayaa qayb ka ah midhihii ka soo baxay socdaalkii Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi bishii March ee sannadkan ku tagay dalka Maraykanka.

Guddiga xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka oo u xilsaaran jaangoynta siyaasadda Arrimaha dibadda, ayaa sidoo kale kormeer ku sameeya heshiisyada Dawladda Maraykanku la gasho Dalalka shisheeye oo ay ka dhiibtaan talo-bixin iyo oggolaanshiyo xagga magacaabista iyo heshiisyada diblomaasiyadeed.