Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in lagu tartami doono Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye

:Maanta aniga waqtigaygii guddoomiyaha xisbigu waa gebogebo dhawaan..”Md.Muuse Biixi Cabd

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka qaybgalay xaflad loogu dabaal-deggay sanad-guurrada 20-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in hab dimuquraadi ah, kuna dhisan waayo-arragnimo iyo daah-furnaan loogu tartami doono hogaanka xisbigaasi, dhamaadka sanadkan marka la gaadho doorashadiisa.

Madaxweyne Muuse waxa uu meesha ka saaray in wax khilaaf ahi ka taagan yahay xilka guddoomiyaha xisbigaasi, waxaanu caddeeyey in nidaamka xeerka xisbigu dhigayo loo mari doono doorashada guddoomiyaha iyo madaxda kale ee Xisbiga, si gaar ahna wuxuu carabka ugu dhuftay jagada Guddoomiyaha.

“Xisbiga KULMIYE waa dimuqraadi, waxa soo maray oo iska beddelay 2 Guddoomiye oo tartan iyo codayn ku yimi xilalka, mararka qaarkood doorashayinkii ugu adkaa ayaa soo maray KULMIYE dhexdiisa.

โ€œMaanta aniga waqtigaygii guddoomiyaha xisbigu waa gebogebo dhawaan, xisbiga KULMIYE waxa uu dooran doonaa Guddoomiye, waxaan idiin sheegayaa in aan KULMIYE isku khilaafi doonin doorashadaas ee uu wixiisa dibadda ku soo dhammaysan doono” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE xilliyadii uu mucaaridka ahaa ay caado u ahayd in waxyaabaha qarannimada la xidhiidha aanu dood gelinin oo uu ku garab istaagi jirey xukuumaddii jirtay, balse ay mucaaridka maantu caado taas ka duwan lasoo baxeen โ€œKULMIYE markuu mucaaridka ahaa weligii dawladdii jirtay kulamuu murmin xafladaha qaranka iyo maalmaha qaranka loo dabbaaldego, waana taariikh uu lahaa KULMIYE,โ€ ayuu mar kale khudbadiisa ku sheegayย  madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulmiye ayaa ahaa labaatankii sannadood ee uu dhisnaa xisbi awood badan oo ay mar walba udub-dhexaad u ahaayeen dad magac iyo saameyn ku dhex leh saxaada Siyaasaddu.