Boorama iyo xuska 18 May: Masuuliyiin kala qabgalay dadweynaha dabaal-degga

Xubno kamida golaha Wasiirrada, Xildhibaanno ka tirsan goleyaasha baarlamanka iyo maamulka gobolka Awdal iyo degmda Boorama ayaa ka qaybgalay xaflad lagu maamusay munaasibada 18 May, taasoo lagu qabtay xaflad ka qabsoontay fagaare ku yaalla badhtamaha magaaladaasi.

Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa waxa dhoola-tus ku sameeyey Ciidamada qalabka sida oo gaardis ku sameeyey halkaasi.

masuuliyiinta dawladda ee ka qaybgalay ayaa shacbiga ugu hambalyeeyey sanad-guurrada 31aad ee dib ula soo noqoshada xornimada, nabad-gelyada iyo horumarka muuqda ee qaranku gaadhay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

Boorama ayaa ku suntan magaaladii lagu dhisay Dawladnimadii rasmiga ahayd ee Somaliland, laguna qabtay shirweynihii labaad ee beelaha ee dawlad dhiska iyo nabadeynta, waxaanay horaantii sanadkii 1993-kii martigelisay shirkii dhidibada loogu taagay dawladda loo dhan yahay, kaddib laba sanno oo markii madaxbanaanida lagaga dhawaaqay si ku-meel-gaadh ah talada loogu dhiibay hogaankii ururkii SNM.

Shirweynaha Boorama ayaa lagu dhisay dawlad ka kooban goleyaasha hadda shaqeeya, waxaana lagu doortay madaxweynihii labaad ee dalka iyadoo talada lagu soo celiyey gacanta rayidka.