Xukuumadda Somaliland oo mamnuucday xuska 18 May ee mucaaridka isu diyaarinayaan

Xukuumadda Somaliland oo ku guda jirta qaban qaabada munaasibada 18 May, oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday in ay gaar iskaga taagtay Soomaaliya, ayaa xisbiyada mucaaradka uga digtay in ay gaar ugu dabaal dagaan maalintan.

Waxaana sidan lagu sheegay war saxaafadeed uu ku saxeexan yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, mudane Maxamed Kaahin Axmed.

Waxaaney u dhigneyd. “Hadaba si loo adkeeyo wadajirka, nidnimada iyo daganaanshaha qaranka, waxaa reeban qaban qaabo kasta noocaynto ha ahaatee, oo aan ahayn qaban qaabada ay guddida heer qaran agaasintay”.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-