Madaxweyne Biixi iyo hogaamiyeyaasha Mucaaridka oo ka heshiiyey munaasibada Xuska 18 May

Kulan ka dhacay qasriga madaxtooyada JSL oo dhex maray Madaxweynaha iyo hogaamiyeyaasha asxaabta mucaaridka caawa, ayaa heshiis lagaga gaadhay xiisad la xidhiidha xuska 18 May oo u dhaxaysay mucaaridka iyo xukuumadda.

Waxa lagu heshiiyey in maalinta 18 May aanay xisbiyada mucaaridku qaban isu soo bax lagu xusayo munaasibada dabaal-degga, lana ixtiraamo xaflada weyn ee ay dawladdu qabanqaabisay.

Inay xisbiyada mucaaridku sidoodii u qabtaan xafladaha ay qabanqaabiyeen habeennimada ka dambeysa 18 May, waxaanay arrintani meesha ka saartay in maalinta loo dabaal-degayo xuska maalinta dib ula soo noqoshada xornimada ay labada dhinac abaabulaan isu soo baxyo is barbar socda, taasoo ay xukuumadduna ka soo saartay amar ay ku mamnuucday.

Sida uu sheegay Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo kamida Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxa kale oo kulanka lagaga hadlay sidii ay dhinacyadu uga wada hadli lahaayeen khilaafkan hadheeyey arrimaha Doorashooyinka sanadka muddeysan.

Wadahadallada arrimaha Doorashooyinka ayaa uu sheegay inay furmi doonaan marka ay dhamaato xaflada dabaal-dega 18 May.

Kulanka caawa waxa ku sugnaa oo ka qaybgalay madaxweynaha, guddoomiyeyaasha labada xisbi Mucaarid ee Waddani iyo Ucid, murrashaxa Xisbiga Waddani iyo xubno kale oo kamida jilib-culusta asxaabta qaranka.

Waxa muuqata kala fogaanshiyo siyaasaddeed inuu ka dhexeeyo Xisbiga talada haya iyo mucaaridka, waxaanay xaaladu sii adkaatay markii uu soo baxay dareen muujinaya inay xukuumaddu dabada ka riixayso furida ururrada,lana soo hormariyo doorashadooda, halka ay iyagu qabaan in 13 November la qabto Doorashada madaxtooyada oo ay ku tartamaan saddexda xisbi ee hadda jiraa.