Wareegga saddexaad oo loo gudbay Doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Waxaa goordhow soo idlaaday tirinta wareegga labaad ee codadka doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota Teendhahda Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayadoo loo gudbayo wareegga 3-aad.

Wareegaan waxaa soo gaaray Maxamed Cabdullaahe Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

Wareegaan waxaa ka soo gudbay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo kala helay codad gaaraya Xasan Sheekh oo helay 110-cod, halka uu Farmaajo helay 83-cod.

Wareegaan labaad waxaa ku haray Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 67-cod iyo Xasan Cali Kheyre oo helay 63-cod.

<span;>Wareegii saddexaad ayaa hadda loo gudbiyaa.