Ehlu-sunna oo dib uga guratay Dagaalkii Dhuuso-mareeb

Waxaa caawa Maqribkii soo gaaray dagaal qaatay 13 saacadood oo waaberigii hore ee Jimcihii saakay ka bilowday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Saraalkiishii hoggaaminaysay ciidamada dowladda ee maanta Dhuusamareeb ka dagaalamay ayaa xaqiijiyey in hadda lasoo gabagabeeyey dagaalka oo magaalada laga saaray ciidamadii Ahlu-Sunna.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa Gor Gor ayaa galabta si nabad ah kula wareegay degaanka Bohol oo ciidanka Ahlu-Sunna ay ka soo duuleen shalay galab.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo warbaahinta la hadlay sheegay in magaaladu ay nabad tahay, dadkii ka qaxayna ay ku soo laaba karaan, maadaama ay ciidamada dowladda si buuxda gacanta ugu hayaan.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka gaabsaday inuu faahfaahiyo khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta ayaa sheegay in guddi soo baara ay u xil-saari doonaan, oo dib ay kasoo shaaci doonaan xogta khasaaraha oo dhameystiran.

Ciidamadii Dhuusamareeb soo weeraray ee Ahlu-Sunna ayaa labo jiho galabta uga baxay magaalada, kadib markii looga tag roonaaday dagaalka, waxayna u bixeen dhanka bari iyo galbeedka magaalada, waana labadii jiho ee markii hore ay kasoo weerareen.