Wasiirka arrimaha gudaha oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Kenya oo booqasho ku yimi dalka

Hargeysa(GNA)Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafiiskiisaย  ku qaabilay wefti ka socdey Dalka Norway oo uu hogaaminayey Safiirka Nairobi u fadhiya dalkaasi Ambassador Haakon Svane oo ay weheliyaan Sarkaal sare ka socdey Wasaaradda Arimaha Dibedda Norway Mss Heidi Johansen iyo madax kale oo ka socotey Hay’adda Safety World maanta Arbaca.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xidhiidhka labada dawladdood, iyada Dawladda Norway ay qayb ka tahay Sanduuqa horuumarinta Somaliland ee SDF, iyada oo safiirkuna balan qaaday in ay Somaliland si dhow ugala shaqaynayaan horuumarinta iyo nabadgelyada.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa war-bixin guud weftiga ka siiyey xaalada nabadgelyo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo weftigu Somaliland ku ammaanay horuumarka muuqda iyo nabadgelyada dalka ka hano qaaday.

Weftigan ayaa intii ay dalka joogeen waxay booqdeen Gobolka Sool, halkaas ooย  ay ku soo arkeen nabadgelyada ka jirta Gobolka iyo mashaariicda horuumarineed ee ka socda, iyagoo oo balan qaaday in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqaynayaan xoojinta nabadgelyada iyo dhismaha Nabadda, taasoo Jamhuuriyadda Somaliland ku soo caano maashay.