Sh. Shariif oo noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada Murrashaxnimada Madaxweynaha

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jmahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee is diiwaan-geliyey, isla-markaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Musharax Shariif ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Shariifka ayaa horey usoo noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, wuxuuna sidoo kale kalena soo tartamay 2017 oo looga adkaaday tartanka, isaga musharixiin kale.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan.
Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana sidoo kale la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Doorashada ayaa qorsuhu yahay in ugu dambeyn la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, taas oo loolan adag ay u geli doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Farmaajo.