Dr. Gaboose oo Furtay urrur siyaasadeed cusub

DR.GABOOSE, SOMALILAND, URUR-SIYAASADDEED,

Hargeysa -(GNA)-Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo ah siyaasi iyo dhakhtar caan ka ah Somaliland oo 4, April, 2021 ku dhawaaqay in uu siyaasada ka fadhiistay, ayaa ku dhawaaqay in uu furanayo urrur siyaasadeed.

Gaboose ayaa sheegay in duruufo jira awgeed uu siyaasada dib ugu soo laabtay, waxaa uu sheegay in wacyiga bulshadu is badalay isla markaana uu tixgalinayo shacbiga oo uu sheegay in ay isaga dareen gaar ah u hayaan.

Waxanu yidhi.โ€œInkasta oo aan hore ugu dhawaaqay in aan ka fadhiistay siyaasadda hadana markii aan qiimeeyay waayaha dalka iyo dadkaygu marayaan iyo in wacyiga bulshadu soo korayo, tixgaliyana dareenka dadkaygu ii hayaan, waxa khasab igu noqotay in aan ku soo laabto masraxa siyaasada.

Waxaan aaminsanahay in cidkasta oo leh himilo ay maalin uun dalkan hoggaamiso, ay tahay in ay badsadaan samirka iyo isu tanaasulka, si ay barri u helaan dal iyo dad nabdoon oo ay xukuumaan,โ€.

Gaboose ayaa ku dhawaaqay in isaga iyo rag kale oo aqoonyahano ahi, ay ku midoobeen urrur la magac’baxay Barwaaqo, isla markaana ay dhawaan si rasmi ah u daah furi doonaan.

Waxaanu yidhi.”Waxaa aniga iyo aqoonyahan kale oo ka faa’iidaysanaya fursadan, oo aanu in badan sugaynay go’aansanay in aanu urrur siyaasadeed la magacbaxay Barwaaqo, dhawan ka daah furi doono gobolada dalka si gooni gooni ah”

Dr. Gaboose oo urrur Qaran la odhan jiray uu ka fashilmay xiligii xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin, ayaa sidookale sannadkii 2012 furtay urrur siyaasadeed lagu magacaabi jiray Umada, kaasi oo ka qayb galay doorashadii tartanka urrurada ee xiligaas, balse nasiibku ma saacidin oo kuma guulaysan in urrurkiisii kamid noqdo saddexdii xisbi ee kusoo baxay codbixintii qabsoontay 28, November, 2012 oo ay kusoo baxeen KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Gaboose ayaa xiligii uu siyaasada ka fadhiistay ku sababeeyay in aanu awoodiisa jidh ahaaneed awgeed hoggaamiye noqon karin, isla markaana uu siyaasadii iyo dhakhtarnimadiiba si rasmi ah uga fadhiistay, taa badal keedana inta cimrigiisa ka hadhay uu ku dhamaysan doono, cibaado iyo taakulaynta dadka taagta daran.