Saraar: In ka badan kun iyo shan boqol oo qoys oo la gaadhsiiyey Raashin

Hay’adda Kaydka Raashinka Qaranka iyo ka-hortagga aafooyinka, ayaa raashin mucaawimo gaadhsiisay bulshooyin danyar ah oo ku dhaqan gobolka Saraar, xilli ay usbuucyadii la soo dhaafayba hay’addu dalka ka waday gurmad lagu caawinayo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo xaaladaha kale ee dabeeciga ah.

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Faysal Jaamac Xirsi, ayaa shalay goob joog ka ahaa bilowga qaybinta raashin loogu talogalay kun iyo shan boqol oo qoys, kaasoo ka kooban noocyada cuntada darruuriga ah.
Guddoomiye Faysal, ayaa sheegay in mucaawimadani qayb ka tahay deddaalka ay xukuumaddu ugu jirto taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen, si loogu fidiyo raashin ay quutaan iyo biyo-dhaamis “waa gurmadka ay xukuumaddu u fidinayso dadka ay abaaruhu saameeyeen, hadday quudin tahay iyo hadday biyo-dhaan tahayba”ayuu yidhi guddoomiyaha oo magaalada Caynaba kaga qaybgalay munaasibad raashin bixinta lagu furay.
Raashinkan ayaa la gaadhsiin doonaa danyarta ku dhaqan ilaa lix deegaan oo hoos yimaada gobolka Saraar, sida Oog, Ceegaag, Wadaamo-goo, Dhanaan iyo War-idaad, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda kaydka raashinka Qaranka iyo ka hortagga Aafooyinka.
Maayarka degmada Caynaba iyo Badhasaabka Gobolka Saraar, ayaa ka mahad-naqay mucaawimada la soo gaadhsiiyey, taasoo ay uga mahad-naqeen xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, gaar ahaan Hay’adda NEDFOD iyo guddida Abaaraha.

Halkan ka Daawo Muuqaal: