Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo loo doortay Sh. Aadam Madoobe

Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku guuleystay doorashada guddoomiyaha baarlamanka 11aad ee Somalia ka dib markii uu codadkii ugu badnaa kaga adkaaday musharaxii la tartamayey Xassan Cabdi Nuur.

Guusha Aadan Madoobe ayaa ka dhigan iney doorashada gudoonka Baarlamanka ku guuleysteen mucaaradka, iyadoo musharaxii ay wadatay Villa Somalia oo ahaa Xassan Cabdi Nuur uu Guuldareystay.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa helay codad gaaraya 163 halka Xildhibaan Xassan Cabdi Nuur oo looga guuleystay tartanka uu keenay 89 cod sida uu sheegay guddoonka KMG ah ee baarlamanka Somalia