War-dheer: Afur-wadarreed kulmiyey madaxda Dawladda iyo Shacabka Magaaladaasi

Magaalada Wardheer  waxaa ka qabsoomay afur-wadareed kulmiyay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo hoggaaminta.

Afur-wadareedkan ayaa lagu qabtay barxadda wayn ee dugsiga hoose dhexe ee Maxamed Cabdi Dhoodi ee magaalada Wardheer. Waxaana ka soo qeyb-galay hoggaaminta sare ee gobolka Doollo iyo kuwa degmooyinka gobolka Doollo.

Afurkani oo loo qabtay in ka badan 400 qof ayay ugu dambayntii culimmo’awdiinka magaalada Wardheer madashaasi ka soo jeediyeeen kalmado wacyigelin ah.

Afurkan ayaa ahaa mid kulmiyay qeybaha kala duwan ee bulshada haddii ay tahay miskiin iyo masuulba ee ku dhaqan magaaladani Wardheer.