Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo Geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti ku geeriyooday Taliyihii hore ee ciidanka Booliiska Soomaaliya, Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo sidoo kale ahaa khabiir dhinaca Ciidamada oo taariikh weyn ku lahaa dhismaha ciidamada.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun dhanka Wadnaha ka haleelay oo uu muddo u jiifay.

Sanadkii 1933-kii ayey taariikhdu xustay in Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib uu ku dhashay degaanka Dhoodi-gaban ee gobolka Sanaag.

Sannadkii 1955-kii ayuu ku biiray ciidanka booliska Soomaaliya, iyadoo sanadkii 1962-kii loo magacaabay Madaxii Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale sanadkii 1970-kii ayaa loo magacaabay Taliyihii guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sannadihii 1956-kii ilaa 1957-kii, ayey tariikhdu xustay in tababarro culus uu ku qaatay Machadkii Tababarrada ee Sheekh, kadibna waxa uu tababar kale u tagay Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.