Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay gudd. Aqalka sare

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa mar kale loo doortay guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya, kadib markii uu ku guulaystay doorashada guddoonka aqalka sare.

Cabdi Xaashi ayaa helay 28 cod, wuuxuna noqday musharraxii ugu codadka badnaa saddexda musharrax ee xilkaan iskusoo taagay, kuwaas oo kala ah, Cabdi Xaashi, Cusmaan Abuukar Dubbe iyo Saalax Axmed Jaamac.

Musharraxii ku xigay ayaa helay 24 Cod waxaana uu noqday Saalax axmed Jaamac, halka Murashax Dubbe uu helay 2 Cod.

Cabdi Xaashi ayaa mar kale barlamaanka aqalka sii hoggaamindoono afarta sano ee soo socda. Mucaaradka iyo muxaafidka ayaa la filayaa inay soo dhoweeyaan doorashadiisa.

Kadib muddo sannad iyo dheeraad dib udhac doorasho lagu jiray, aqalka sare ayaa noqday hay’addii ugu horreysay ee yeelata guddoon rasmi ah oo haysta sharciyad buuxda.