Reysalwasaaraha Soomaaliya oo safar ugu baxay dal dibaddeed, xilli xaalad adag jirto

Ra’iisul wasaaraha Somaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada.

Rooble ayaa Geneva uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya madax sar sare iyo wasiiro ka kala socda dalalka deeq bixiyeyaasha oo iyaguna lagu cusuumay shirkaas oo hal maalin socon doona.

Ra’iisul wasaaraha madasha ka jeedin doono khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loogu gurman lahaa dadka tabaaleysan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu kulan doceedyo la yeesho mas’uuliyiinka iyo madaxda hay’adaha ee ka qayba-galaya shirka Geneva, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horreyso doorashooyinka haatan socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah waddanka.
Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro dhammeystirka doorashada, maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeya, ayna weli caqabado ka jiraan doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo oo haatan kasii dareysa.