Somaliland oo 12 Wariye xoriyaddooda u soo celisay iyo 3 wali xidhan

Hargeysa(GNA)-12 kamid ah wariyayaal xabsiga loo taxabay 12, April ayaa lagu guulaystay in la sii daayo, kadib dadaal ay sameeyeen xildhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Wariyayaashan ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay xili ay tabin toosa ka samaynayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargaysa, halka qaarkoodna laga soo qabtay xarumahooda warbaahineed.
waxa wali xidhan saddex wariye oo uu kamid yahay mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, wariye Cabdijabaar Maxamed Xuseen oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif (Indho-Cadde), oo ka socda Gobonimo TV.
wariyayaasha la sii daayay ayaa sheegay in xoriyadoodu anay dhamaystirnayn inta ay saddexdan wariye xidhan yihiin.
“Ilaa iyo intaa kale ay xoriyadooda helayaan, waxa weeyaan xoriyad wali maanu helin” waxa sidaa yidhi Axmed Maxamuud oo ka tirsan Saab TV.
“Dad badan ayaa waxa laga yaaba in ay u qaataan in aanu ku faraxsanahay siidaynta yada, waxaanu u sheegayna runtii in anaan aad ugu faraxsanayn, sababtoo ah saddex kamid ah asxaabtayada ayaa xabsiga nagaga hadhay” sida waxa yidhi Xasan Saleeban Haaruun (Xasan Galaydh) oo BBC katirsan.
Saxafiyiinta ayaa sidookale cabasho ka muujiyay sidii losoo qabtay “Anaga waxa nalaga xidhay Jeelka Wayn ee Hargaysa hortiisa, runtii waxba manaan duubayn, sawirna manaan qaadayn waxaanu doonaynay in aanu hubino xaalada dabeetana ka warbixino waxa ay tahay” sida waxa markale yidhi Xasan Galaydh.
hore waxa loo sii daayey laba Gabdhood oo kamid ahaa wariyeyaashan oo mid kamida dhaawac soo gaadhay markii la qabanayey.