Masuul dawladdeed oo lagu dilay Laascaanood

Alle ha u naxariistee waxa lagu dilay magaaladda Laascaanood isu-duwihii guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool Maxamed Cabdillaahi Faarax (Jeeri) niskii hore ee habeenkii Arbacadii.

Dilkaasi ka dhacay Laascaanood ayaa la sheegay in ay gaysteen koox hubaysnayd, kuwaasoo markii ay toogteen marxuumka goobta ka baxsaday, sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joog ahaa oo ku sugan magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ma jirro wax war ah oo ay maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood ka soo saareen dilkaasi, iyagoo aan weli warbaahinta la wadaagin faahfaahinta dilkaasi iyo in ay jirto cid loo qabtay.
ma aha markii u horaysay oo dil noocan ah Laascaanood loogu gaysto masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, iyo xisbiyadda siyaasadda.