Jaaliyadda Somaliland ee Norway oo u hagar-baxay Qaadhaan-uruurinta gurmadka Suuqa Waaheen

Hargeysa(GNA)-Jaalliyadda Somaliland ee ku nool dalka Norway, ayaa iskugu yimid shirar is daba joog ah oo ay ku abaabuleyaan qaadhaan-uruurrin ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka Suuqii gubtay ee Waaheen.

Shirarkan oo ay iskugu yimaaddeen Wakiilka Somaliland ee dalka Norway, Waxgaradka, dhallinyarada iyo Dumarka reer Somaliland ee ku nool, ayaa waxa loogu Talo-galay In qaadhaan loogu ururriyo Ganacsatada Suuqa Waaheen ee Hargeysa ee ku caydhoobay dabkii ka kacay Suuqaasi, iyadoo uu hoggaaminayey isla-markaana isku soo dubba-riday Guddoomiyaha Guurtida Jaaliyadda Somaliland ee Norway Maxamed Nuur Ahmed (Tahar) iyo Wakiilka JSL ee dalalka Norway iyo Denmark Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liinin) iyo Guddiyo loo xilsaaray.

Guddoomiyaha Guurtida Jaaliyadda Somaliland ee Norway Maxamed Nuur Axmed (Tahar) oo ugu horrayn ka hadlay ujeeddada kulankan ayaa yidhi “Meel walba waa laga gurmaday, gurmadka inaynu ka qayb-qaadano weeyaan Shirkani, si loo ururriyo Lacagta Samo-falka ah, cid kasta oo ka qayb-qaadatana waanu u ducaynaynaa..”

Xoghayaha Safaaradda Somaliland ee Norway Cabdirixiin Axmed Ismaaciil oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Jaaliyadda looga baahan yahay inay qorshaha iyo kulamada socda u beddelaan waxqabad muuqda, si dadka Hantidoodii dabka ku waayay wax ay ku farxaan loogu ururriyo.

Xoghayuhu wuxuu Alle uga baryey in Ganacsatada uu Cawed khayr qaba ugu beddelo Hantidoodii ku gubatay suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Wakiilka Somaliland ee Norway Ambassador Liilan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay Inuu Waraaqo u qoray Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway iyo Hay’ado badan oo Caalamiya, si ay uga qayb-qaataan Taageerada loo fidinayo Ganacsatada Somaliland ee ku caydhoobay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee Caasimadda Hargeysa, waxaanu yidhi “Dawladda Norway iyo Hay’ado ayaan u qoray Waraaqo, dawladda dhexe waxaanu waraaqo u qornay Wasaaradaha Arrimaha dibedda iyo Horumarinta, waxa kale oo aan Waraaqo u qoray Hay’ado faro badan, sida Care, NRC, kuwaana waxaynu ka haynaa jawaabo, waxay sheegeen inay ka xun yihiin wixii ka dhacay suuqa Waaheen, waxayna ballan-qaadeen wixii ay gacan ka geysan karaan.”

Wakiilka Somaliland ee Norway Ambassador Liilan waxa kale oo uu sheegay “Warqad aanu ka sheegnay Safaaradda Norway, waxay ku sheegeen inay si khaas ah u danaynayaan inay ka qayb-qaataan sidii ay u soo kaban lahaayeen Dumarka iyo Dadka jilicsan, loona gacan qaban lahaa, hadday noqoto lacago toos loo siiyo..”ayuu yidhi Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), isagoo u Mahad-naqay dhallinyarada, Dumarka oo door laxaadle ka qaatay hawsha qaadhaan ururrinta ee socota, isagoo ugu duceeyay inuu Allaah uu ugu daro miisaanka xasanaadkooda.

Waxa xusid mudan in Guddiyo loo aasaasay qaadhaan Ururrinta ay wadaan Jaaliyadda Norway ay goobo gaar ah ka sameeyeen Badhtamaha Magaalooyin ay Oslo ka mid tahay, si Soomaalida ku nool dalka Norway ugu soo hagaajiyaan lacagaha ay ugu Talo-galeen inay kaga qayb-qaataan u gurmadka Ganacsatadii ku caydhoobay Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Caasimadda Hargeysa.

Guddiyadan gaarka ah, ayaa si ay u caawiyaan Ganacsatada Suuqa Waaheen, waxay u samrayaan barafka ka da’aya Oslo oo ay saacado badan u dhex taagan yihiin, si ay u ururriyaan qaadhaan loogu Tabaruco Ganacsatadii ku caydhoobay suuqa Waaheen.

Kulamadii ay Jaaliyaddu iskugu timid, ayaa waxa lagu ururriyey lacag badan.

Ugu dambayn, qaadhaan Ururrintan ayaa  waxay ka socotaa dhamaan gobollada dalka Norway, waxayna socon doontaa muddo, iyadoo ay xubno kamida Jaaliyaddu ay dariiqyada la istaagaan sanaaduuq loogu talogalay lacag uruurinta.