Sidee wax uga dhaceen Jeelka weyn ee Hargeysa, sideese loo xakameeyey dhacdaddii?

Hargeysa(GNA)-Ciidamada Asluubta, Booliska iyo laamaha kale amaanka, ayaa xakameeyey shaqaaqo kooban oo ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa Arbacadii maanta taasoo ka dhalatay maxaabiis ku xidhnaa qol kamida xabsiga oo ka cawday maxbuus kale oo akhalaaq-darro ku kacay sida ay ku andacoodeen, markii ay askartu isku dayday inay xaliyaan buuqaasna ay qaar kamida maxaabiistu rabshad ku kiciyeen askarta, si ay u xaalad-abuurraan amaanka jeelka.

Dhacdadan oo ka bilaabantay khilaafka maxaabiistaasi iyo rabshad ay qaarkood uga faa’idaystay inay ku khalkhaliyaan amniga jeelka, iyagoo gacan ka hadal kala hor yimi Askarta oo ay dhaawacyo ugu geysteen walxo uu kamid yahay marmarkii goglanaa barxada ay ku tukadaan, ayey Ciidanka ilaallada Jeelka oo gacan ka helay kuwa Booliskaย  oo markiiba gurmad ugu yimi ku soo afjareen wakhti kooban, iyadoo aan wax dhibaato ah oo qudh iyo qoon culus toona ahi ka soo gaadhin maxaabiista, balse ay Askarta qaarkood dhaawacyo ka soo gaadheen gacan ka hadalka tuurmada ah ee ay dadka xidhani sameeyeen.

Xaalada Xabsiga ayaa markiiba caadi ku soo noqotay,waxaana gabi ahaanba lagu guulaystay in si nabad-gelyo ah loogu xerreeyo maxaabiista qollalka ay ku xidhnaayeen.

Inkasta oo bilowgii dhacdada dhawaqa rasaasta ee laga maqlay dibada jeelku ay cabsi iyo dareen dhalisay, dadka baraha bulshada isticmaalaana ay si khaldan oo jahawareer abuurtay xog aan sugnayn u gaadhsiiyeen bulshada, haddana xaqiiqada xaalada ayaa ahayd fal kooban oo ay ciidanku u xakameeyeen si masuuliyad iyo taxadir leh, taasoo ka unkantay Qolka Block A oo ay ku xidhnaayeen ku dhawaad 150 maxbuus oo u xidhan dunuub kala duwan.

Wasiirka wasaaradda Caddaaladda JSL Md. Saleebaan Warsame Guuleed iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta JSL Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax) ooย ย  warbaahinta la hadlay markii uu hawlgalku dhamaaday, ayaa sheegay in amaanka Xabsigu sugan yahay, isla markaana waxa dhacay ahayd arrin kooban oo markiiba gacanta lagu dhigay.

“Maxaabiis ayaa ka cabatay maxbuus edeb-darro sameeyey, dabadeedna intii hawshiisu socotay ayey ka faa’idaysteen kuwo kale oo rabshad sameeye, askarta ayey ku tuurtuureen waxyaabo ay ka fujiyeen meeshii ay ku xidhnaayeen, ciidanku si fiican ayey gacanta ugu dhigeen, iyadoo aanu jirin hal maxbuus oo dhaawac gaadhay ama mid waxyeelo kale gaadhay” ayuu yidhi Taliye Libaax intaasi ku daray “Ciidanku waxay markiiba maxaabiista ku xereeyeen oo iminka maxbuus waliba wuxuu ku jiraa qolkii uu ku xidhnaa isagoo nabad-qaba”

Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in ay dacwad ka qabaan oo ay sharciga la tiigsanayaan cid kasta oo sifo khaldan u buun-buunisay shaqaaqada kooban oo uu xaqiijiyey in dhawr askari dhaawac tuurmo ahi ka soo gaadhay ” ma jiro askar ay maxaabiistu qoriga ka qaaday iyo hub la soo geliyey jeelka toona” ayuu raaciyey.

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda Saleban Warsame guuleed oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa ku hambalyeeyey Ciidanka sida xilkasnimada iyo kartidu ku dheehantahay ee ay u maareeyeen falkaasi, iyada oo aan khasaare ka dhalan, waxaanu cadeeyey ” ma jiro hal maxbuus oo baxsaday ama dhaawac gaadhay, xaalada jeelkuna waa nabad-gelyo” ayuu yidhi Wasiir Guuleed oo bahda saxaafadda iyo bulshada ku canaantay buunbuuninta iyo carqaladaynta hawlgallada Ciidamada.

Geesta kale, intii hawlgalku socday waxa xabsiga yimi Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo masuuliyiin ka socday laamaha kale ee dawladda..