Dooni ku soo jeeday Berbera oo ku gubatay Dekedda Cadan

Dooni u soo rarnayd Somaliland ayaa la sheegay inay xalay ku gubatay Deked ku taalla Magaalada Cadan ee Dalka Yemen.

Warar la xaqiijiyey ayaa sheegay in doonta oo u rarnayd Ganacsade reer Somaliland oo Rashiid Ibraahim Ciise ay gabi ahaanba shub-beeshay oo ay ka badbaadeen oo qudha Shaqaalihii.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in doonta lafteeda uu lahaa muwaadin u dashay Somaliland

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan sababta keentay dabka qabsaday doonida rarku saarnaa.

Hase yeeshee waxa lagu waramayaa inay doonida ku shuf beeshay hanti qiimaheedu ka badan yahay Nus Malyan Dollar oo kor u dhaafaysa ilaa lix boqol oo Kun oo dollar.

Rarka doonta saarnaa ayaa ahaa bagash u soo socday dhinaca Magaalada Berbera.