Maayar Mooge oo talaabo ka qaaday Koox Cashuur-qaadeyaal ah oo musuq maasuq uga faa’idaystay shaqada

Koox cashuur-qaadeyaal ah oo Dawladda hoose ee Hargeysa u shaqaynayey, ayaa qorsheeyey inay lacago ka dhex sameeyaan mucaawimo la gaadhsiiyey Haweenka  suuqii gubtay ee Waaheen ku dhex iibin jiray baddeecadaha yar yar, sida Muuska iyo khudrada kale.

Haweenka ayaa lagu caawiyey lacago yar oo faro qabsi, waxaana siiyey mulkilaha Shirkadda Worldremitt Axmed Ismaacil.

Maayarka Magaalada Hargeysa ayaa talaabo ka qaaday kooxdaasi, sida  sheegay Dr. Axmed Ismaaciil oo ah ganacsadaha lacagtaasi bixiyey oo qoraalkan ku baahiyey Facebook.

“Waxaan bogaadinayaa tallaabadii degdegga ahayd ee maayar Cabdikariim ka qaaday niman cashuur ururiyaal ah oo dumarkii danyarta ahaa ee Sahamiye Foundation lacagaha siiyey ka daba tegay oo lacago laaluush ah ka qaatay. Waxay ka qaadeen $30-$40 kuwii aannu siinnay $500, halka kuwa muuska iibiya ee aannu siinnay $200 ay ka qaateen $10-$20.

Nimankan oo muddo dheer cashuuraha ka ururin jiray suuqa Waaheen, waxay ka mid ahayeen dadkii ka shaqeynayey aqoonsiga dumarkii la diiwaan gelinayey. Markii ay arkeen in si adag loo hubinayo liisaska dadka oo aanay suuragal ahayn in magacyo been ah lacag lagu qaato ayay la yimaaddeen qorshahan.

Waa masiibo qaran oo kale in hay’adaha dawladda ay ka shaqeeyaan oo metelaan dad damiirkoodu siinayo in ay dhacaan dadkeenna kuwii ugu jilicsanaa ee ku caydhoobay suuqii gubtay.

Sida keliya ee wax looga qaban karaa waa in ololihii dooxa Hargeysa lagu nadiifiyey mid la mid ah oo dadweynuhu ka wada qayb qaataan hay’adaha dalka ka shaqeeya looga nadiifiyo xatooyada iyo musuqa baahsan ee kansarka noqday.

Waxa aan iyagana bogaadinayaa dadkii warka nasoo gaadhsiiyey oo aannu abaalmarin siin doonno si loo dhiirrigeliyo in siidhiga lagu afuufo dadka musuqa sameeya”