Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ganacsatada Dalka la Qaatay Kulan Ballaadhan oo Qaadhaan Loogu Ururinayo Suuqa Waaheen

 

Hargeysa-08-04-2022-(GNA)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa caawa kulan ballaadhan oo Afur ah, laguna daah-furayo wejiga koowaad ee qaadhaan ururinta masiibadii suuqa Waaheen la qaatay ganacsatada kala duwan ee dalka.

Kulankan oo u jeeddadiisu ahayd sidii loo ururin lahaa lacago qaadhaan ah oo loogu gurmanayo dadkii ku waxyeelloobay masiibadii dabka ee dhawaan ka dhacday suuqa weyn ee Waaheen, islamarkaana ay madaxweynaha ku wehelinayeen madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) xubno kamid ah golaha wasiirrada, ganacsato iyo madax ka socotay shirkadaha kala duwan ee dalka, guddiyada Gurmadka iyo taakulaynta Suuqa Waaheen, culima’udiin, siyaasiyiin iyo haldoor kale oo bulshada kamid ah.

Ugu horrayn waxa madasha ka hadlay guddoomiyaha rugta ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid Ibraahim, waxana uu si kal iyo laab ah madaxweynaha ugaga mahadceliyey sida uu xilka iskaga saaray in qaranku isku tashado, gurmad heer qaran ahna loo fidiyo ciddii mushkiladdii dabku saamaysay, isaga oo sidoo kalena ganacsatada heerarkeeda kala duwan ku ammaanay sida ay usoo ajiibeen kulanka, ugana qayb qaateen ururinta qaadhaanka.

Dr. Farxaan Liibaan oo ah guddoomiyaha guddi hoosaadka taakulaynta suuqa Waaheen iyo Dr. Axmed Aadan Buux oo ku hadlay afka culimada iyo ganacsatada waaweyn ee dalka, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in wada-jir loogu gurmado masiibada ka dhacday suuqa Waaheen, iyada oo goobta laga xaadiriyey magacyada ganacsato tiro badan iyo dallado waxbarasho oo madasha kaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka masiibada suuqa Waaheen taas oo dhan $8,000,000 (Siddeed milyan) oo Doollar.

Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ku hadlay magaca shirkadda DAHABSHIIL oo halkaas kelmedo kooban ka jeediyey, ayaa muujiyey sida ay shirkad ahaan ugu diyaar yihiin inay qaybtooda ka qaataan qaadhaanka loogu yaboohayo dadkii ay saamaysay masiibadii dabka Waaheen, waxana uu uu dhammaan ganacsatada dalka ugu baaqay inay u guntadaan sidii masiibadaas maalka loogu huri lahaa.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Mudane Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa isaguna bogaadiyey ganacsatada sida xilkasnimada leh uga qayb qaadatay qaadhaan ururinta, waxana uu guud ahaan siyaasiyiinta iyo qaybaha shacabkaba ugu baaqay inay midnimada ummadda ka shaqeeyaan, kana dheeraadaan wax kasta oo nashuushadaynaya dedaalka qaran ee masiibada dhacday loogu gurmanayo.

Wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ganacsiga, ayaa iyaguna si iskumid ah ganacsatada waaweyn ee dalka iyo kuwa dhexeba ugaga mahadnaqay kaalmada qaadhaameed ee ay ka geysteen masiibada dabka suuqa Waaheen, taas oo isla goobtaba lagaga dhawaaqay.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, ayaa si qoto dheer uga warbixiyey dedaallada xukuumadda iyo shacabka oo gacmaha is haystaan wadaan ee dhinaca dhaqaale ururinta ah, isaga oo caddeeyey inay xukuumaddu Akoonka qaadhaanka suuqa Waaheen ku shubtay lacag dhan $2,530,000(Laba milyan, shan boqol iyo soddon kun) oo dollar, islamarkaana ay jiraan dawlado aynu deris nahay oo lacago qaadhaan ah kusoo shubay sanduuqan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa ugu horrayn ganacsatada uga mahadnaqay sida waddaniyadda iyo walaaltinimada leh ee ay qaadhaanka suuqa Waaheen uga qayb qaateen, waxana uu yidhi,“Ganacsatada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, inta caawa halkan timi iyo inta maqanba aad iyo aad baan ugu mahadnaqayaa, waxana ay kasoo baxeen waajibkoodii islaamnimo, waxay kasoo baxeen waajibkoodii walaalnimo, waxay kasoo baxeen waajibkoodii waddaninimo, aad iyo aadna waan ugu hambalyeynayaa, waanan u mahadnaqayaa.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada iyo ganacsatada ugu baaqay inay isku duubnaadaan oo aanay fadhiisan ilaa iyo inta la ururinayo qaddar u dhigma lacagtii ay guddidu ku qiyaastay inay suuqaas kaga lumeen dadkii ku ganacsan jirey,“Waxa inoo ballan ah tallaabadaas aynu qaadnay ilaa aynu gaadhno Labadaas Bilyan meel Alle wax ka keenaba inaynaan ka daalin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynuhu waxa uu si guud ugu mahadnaqay cid kasta oo ka damqatay masiibadii suuqa waaheen shacabka reer Somaliland-na u muujisay dareen walaaltinimo, waxana uu sheegay inay qaran ahaan abaalkaas u hayaan, kana mahadnaqayaan gurmad kasta oo yimi.

ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyadda JSL