Waa Imisa lacagta ay Soomaaliya u soo dirtay Somaliland, halkeese lagu shubay?

Dawladda Xamar ka dhisan ee Soomaaliya ayaa wareejisay lacagtii ay dhawaan balan qaaday inay kaga qayb qaadanayso gurmadka Suuqa gubtay ee Waaheen.

Xukuumadda Somaliland iyo dad kale oo xogogaal ah ayaa sheegay inay lacagtaasi ahayd mid hore uga xanibnayd Somaliland, ahaydna qoondo Kab ah oo Baanka adduunku bixiyey.

Siday doontaba ha noqotee, warbaahinta ayaa heshay laba nuqul oo ah xisaab-celin Bangiga Dahabshiil ah oo ay ku wareejisay Dawladda Soomaaliya laba lacagood.

Halkan hoose ka dheeho jiwannada: 9