Xildhibaan Arraarse Oo Ka Hadlay Shaqaaqo Ka Dhacday Seemaal iyo Boodhka

“Seemaal iyo Boodhku waxay ka tirsan yihiin Gabiley waana deegaan doorashadayda”…

Hargaysa (GNA): Xildhibaan Yaxye C/laahi Aamiin (Yaxye-Arraarse), ayaa ka hadlay shaqaaqo laba beelood u dhaxaysa oo laba maalmood ka hor ka dhacday deegaamo ka tirsan galbeedka gobolka Gabiley.

Gaar ahaana deegaamadda loo yaqaanno Boodhka, Seemaal, iyo Ceel-bardaale, oo dhamaantoodba ka wada tirsan gobolka Gabiley.
Deegaamadaasi ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa ka mid ah deegaan doorashadda xildhibaan Yaxye Arraarse, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland.
Xildhibaan Arraarse, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in shaqaaqadaasi u dhaxaysa labada beelood ee Ood-wadaagta ah in ay muddo sodon sanadood ka badan soo jiitamaysay.

Inkastoo dawladihii kala danbeeyay ee Somaliland ay iyo waxgarad iyo shacab ba laga hawl gallay soo af-jaridda muranka beelaha ee deegaamadaasi ka taagan.
Iyadoona ay jirtay in xiliyo kala duwan go’aamo laga soo saaray xalinta murankaasi, isla markaana go’aamadii u danbeeyay ay yaalaan oo ay cadahay cid iska leh Ceelasha iyo beerraha deegaamadaasi ku yaalla.

Sida uu sheegay xildhibaan Yaxye C/laahi Aamiin.

Geesta kale xildhibaan Arraarse, waxa uu sheegay in deegaamadda jala ah Seemaal, iyo Boodhka in ay ka tirsan yihiin gobolka Gabiley, isla markaana ay ka mid yihiin deegaan doorashadiisa isaga laga soo doortay.