Somaliland: Go’aamo ay soo saareen Guddida Nashqadaynta Qaranka

Go’aamada Ka Soo Baxay Guddida Nashqadaynta Qaranka

1. Gudida Naqshadeynta Qaranka Somaliland waxay aqbashay Codsigii ka yimid Maayirka Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbera Ee Ay Ku Codsanayeen in Master Plan Loo Sameeyo Magaalooyinkooda, Dood Iyo Falaynqeyn Kadib Waxay Gudidu Ansixisay In Master Plan Magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Berbra .

2. Waxa Laga Dooday Jaangoynta Xadka Naqshadeynta Magaalooyinka, Waxaana La Isla Qaatay In Qorshaha Magaalooyinka Dalka Dhamaantood Aanay Dhaafi Karin 5km oo Ka Bilaabmay Halka Dhismuhu Ku Joogo. Sida Uu Sheegayo Xeerka Dhulka Qodobkiisa 3-aad, Farqadiisa 3-aad.

3. In Wasaaradda Arimaha Gudaha Oo Kaashanaysa Gudida Naqshadeynta Qaranka Ay Gudi Farsamo Usaarto Kasoo Talo Bixisa Arinka Kala Xadeynta Maamulka Degmooyinka.

4. In La Dhiso Xafiisyada Gudiyada Ka Garnaqa Dacwadaha Dhulka Ee Magaalooyinka Darajadoodu Tahay A-da ee Dalka, Isla Markaana Wasaaradda Arimaha Gudahu Amarto Dawladaha Hoose Inay Diyaariyaan Goobihii Ay Ku Shaqeyn Lahaayeen, Marka Laga Reebo Dawladda Hoose Ee Hargeysa.

5. In Naqshad Magaalo Walba Lagu Daro Dhulka Loogu Talo Galay Taawaradda Shirkadaha Isgaadhsiinta ee Dalka Ka Jira.

6. In Mulkiyadda Beeraha Ee Ay Bixiso Wasaaradda Horumarinta Beeruhu In Lagu Saleeyo Badka Uu Jideeyey Xeerka No-8 ee Xeerka Beeraha.

7. Gudidu Sidoo Kale Waxay Mamnuucaday In Magaalooyinkaas La Qorsheynayo ee Kala Ah Hargeysa, Burco Iyo Berbera, Inaan La Qorsheyn karin Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada ku yaala Magaalooyinkaas, Waxayna Go’aan Ku Gaadheen In Buuraha, Jeexjeexyada, Dooxyada Iyo Bababcyada Yihiin Danguud Isla Markaana Aanay Cidna Sheegan Karin Yihiin Dhul Ay Leedahay Dawladda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
C/kariim Maxamed Guuleed
Madaxa Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud JSL.