Somaliland: shaacinta Natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL Daa’uud Axmed Faarax iyo kuxigeenkiisa Xasan Muxumed Qalinle ayaa ardayda iyo waalidiinta ugu bushaareeyey, in imtixaankii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2023-2024 la shaacin doono maalinta Khamiista ee ay taariikhdu tahay 19/9/2024.

War qoraal ah oo uu baahiyey Xafiiska Imtixaanaadka Qaranku ayaa intaasi ku daray “Sidaa darteed, waxan ardayda, waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyada ba ugu baaqaynaa, in ay sidaa ula socdaaan”
ugu danbayn, waxan ardayda u rejaynaynaa in Eebbe ku guuleeyo imtixaanadaa ay soo galeen.