Joe Biden oo sheegay booqasho uu ku tegayo Waddan Afrika ah

Madaxweynaha Mareykanka , Joe Biden ayaa qorsheynaya inuu booqdo dalka Angola toddobaadyada soo socda, booqashadaa oo lagu sheegay inay tahay fulinta ballan-qaadkii hore ee ahaa inuu noqon doono madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah oo booqda dalalka Saxaraha ka hooseeya ee Afrika tan iyo booqashadii Barack Obama ee 2015-kii, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Biden ayaa ballan qaaday inuu dhisi doono xiriir dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya dalkiisa iyo dalalka Afrika ee Mareykanka ugu yeero waddamada dimuqraadiga ah ee Afrika. Socdaalka ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Mareykanka ku raadinayo xoojinta xidhiidhka Afrika, sababtoo ah hadda Shiinaha ayaa maalgashi iyo iskaashi ballaadhan la leh waddada Afrika in ka badan Mareykanka.