Ruushka oo dib u hantay Dhul laga qabsaday

Ciidanka Ruushka ayaa dib u qabsaday dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Kursk ee Ruushka oo ciidanka Ukraine saddexdii toddobaad ee u dambeysay gacanta ugu jiray, illa toban magaalo oo gobolkaa ka tirsan hadda waxaa ku sugan ciidanka Ruushka.

Waxa cajiibka ah waa in ciidanka Ukraine ay deegaannadan ka saarayaan ciidanka gaarka ah ee jamhuuriyadda Chechnya, oo ka tirsan ciidanka ilaalada qaranka Ruushka , balse lama mid aha ciidanka federaalka Ruushka, waa muslim suniyiin ah oo hoostaga hoggaamiyaha jamhuuriyadda Chechnya ee Ruushka, Ramzan Kadyrov. Mar kasta oo cadaadis uu la kulmo Putin , ciidankan waa halka uu u adeegsado dagaallada uu doonayo inuu natiijo ka gaaro.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Chechnya, Apte Allaudinov oo hoggaaminaya howlgalka ka socda Kursk oo maanta la hadlay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, wuxuu sheegay sheegay ;”Ciidanka Ruushku waxay xoreeyeen dhowr magaalo oo jihada Korenevsky ee gobolka Kursk, ciidamada Ukrainena waa la jebiyey.”

Xigasho: Iman Jama