Maxay uga dhigantahay Somaliland 13 November 2024?

13-ka November Waa Maalin kale oo ay Tijaabo geliyso Dimuquraadiyadda Curdinka ah ee Somaliland!

13ka Noofambar 2024 oo ah maalinta ay qabsoomi doonto doorashada madaxtooyadu, waxay noqon doontaa dharaar ay mar kale tijaabo geli doonto dimuquraaddiyadda nugul ee Somaliland.

Somaliland oo ah dal dhaca Geeska Afrika, wuxuu soddonkii sano ee u dambeeyey baadigoob ugu jirey sidii uu u heli lahaa aqoonsi caalami ah, waxaanu ahaa astaanta nabadda iyo dimuquraaddiyadda; xilli uu gobolka Geeska Afrika ka taagnaa qalalaase gudeed.

Caddaymaha muujinaya muhiimadda ay Somaliland u leedahay Geeska Afrika iyo caalamkaba waxaa ka mid ah ilaa xadka ay Beesha Caalamku danaynayso dhacdooyinka ku saabsan doorashooyinka Somaliland iyo sidoo kale jidka loo marayo doorashadaba.

Maalmihii u dambeeyey waxaan kulammo kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kiiniya qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Reer Galbeedka, dhammaantoodna waxay ku nuuxnuusadeen sida ay Somaliland muhiim ugu tahay inay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta nabad, caddaalad, kalsooni iyo daahfurnaan. Waxaan hoosta uga xarriiqay diblamaasiyiintaa, cidda qudha ee doorashada caddaaladda ahi ay guul u noqon doontaa inay tahay bulshada reer Somaliland.

Saaxiibbada caalamiga ah ee ay Somaliland leedahay oo ay ka mid yihiin dalalka Denmark, Midowga Yurub, Jarmalka, Norway, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanku, dhammaantood waxay ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay inay la shaqeeyaan dhammaan dhinacyada daneeyayaasha ka ah doorashooyinka Somaliland, si ay u qabsoonto doorasho loo siman yahay, xor ah oo xalaal ahi.

Laga soo bilaabo sanadkii 1991kii Somaliland waxay yagleeshay nidaamyada ugu dimuquraadisan gobolka Geeska Afrika, nidaamkaas oo noqday xoolka ay ku dhasheen, kuna barbaareen xisbiyada badani.

Doorashadan hadda qabsoomi doontaa waxay noqon doontaa doorashadii afaraad ee madaxtooyo ee ay si siman uga qaybgalaan dhammaan muwaadiniinta Somaliland oo idil. Waxaa xusid mudan doorashooyinkii hore dhammaantood inay ku soo gebageboobeen inay si nabad ah xilka ula kala wareegaan madaxweynayaashii hore.

MURANNADII DOORASHADA LA XIDHIIDHEY

Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinkii ka horreeyey muddaynta doorasahadani waxay dareen ku abuureen muwaadiniinta dalka iyo sida oo kale Beesha Caalamkaba. Saaxiibbada Somaliland waxay werwer badan ka qabeen jidka ay Somaliland qaadday siyaasad ahaan iyo nabad ahaanba.

Doorashadan waa in lagu dul dhisaa guushii laga gaadhey doorashadii ka horreysey ee qabsoontay bishii May 2021kii ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada, taas oo xisbiga xukuumiga ah ee Kulmiye uu ka helay tiro ka yar tirada uu ku guuleystey xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Soddonkii sano ee la soo dhaafay Somaliland waxay ku caanbaxay inay khilaafyadeeda siyaasadeed ku dhammayso xalal gudeed oo dhalad ah. Tani waxay ka caawisay inay Somaliland si iskeed ah u xalliso idil ahaan khilaafyadii kale ee la xidhiidhay doorashooyinkan hadda muddaysan.

Maanta Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamin iyo diblamaasiyad ku qotonta midaynta dadka, yaraynta khilaafaadka gudeed, kor u qaadidda degganaanta gobolka iyo xoojinta xidhiidhada diblomaasiyadeed.

Sidaas darteed Somaliland waxay u jeel qabtaa siyaasad cad oo ay si togan ugula macaamisho dunida, dalalka jaarka iyo weliba jilayaasha muhiimka ah ee saamaynta ku leh siyaasadda Badds Cas.

Sida oo kale Somaliland waxay u baahan tahay hoggaamin kasbata qurbajoogteeda si ay qayb uga noqdaan siyaasadda iyo qarandhiskaba, isla markaana ay uga qaybgalaan dedaallada lagu suuqgeynayo dalnimada Somaliland.

Doorashada ka hor waa in Somaliland sii waddaa xoojinta dimuquraaddiyadda iyo amniga dalka. Si loo soo celiyo kalsoonida shacabka, isla markaana loo yareeyo kala qaybsanka bulshada, waa in wax laga bartaa dalalka jaarka ah iyo guulihii ay ka soo hooyeen doorashooyinka. Tusaale ahaan, waxaa jirey isbahaysi ay sameeyeen qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee ka dhisan dalka Kiiniya, taasi oo markii dambe lagu gaadhey midnimo bulshadeed iyo degganaansho siyaasadeed.

FG: Maqaalkan waxaan ku daabacay wargeyska caanka ah ee Daily Nation oo ka soo baxa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kiiniya, cadadkiisii soo baxay 25 Ogos, 2024. Waxaa ciwaan looga dhigay: “DOORASHADA MADAXTOOYADA SOMALILAND WAXAY ASTAAN U TAHAY BARBILOW CUSUB”.

Waxa soo Turjumay Dr. Mohame Abdilahi Omar.