Madaxweyne Biixi oo booqday Gobolka Hawd

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa booqday Gobolka Hawd, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baligubadle ee caasimada gobolkaas iyo degmooyinka hoos yimaada.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa dadweynaha kala hadlay fagaareyaal, waxaanay uga warameen xaalada Dalka.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in gobolka Hawd taariikh gaar ahaaneed ku leeyahay Dalka, taasoo ah inuu ahaa xaruntii halganka ee laga xoreeyey Qaranka.

Soo dhaweynta milgaha leh ayuu uga mahadceliyey shacbiga Baligubadle, Sayla iyo Balicabane oo kamida deegaamada uu booqday.