Afghanistan: boqolaal qof oo shaqada looga eryey Gadh yaraan

Dawladda Afgaanistaan ee ay hoggaamiyaan ururka Taalibaan ayaa shaqada ka saartay 280 xubnood oo ka tirsan Booliiska iyo hay’adaha amniga, kaddib markii ay ku guul-darreysteen inay la baxaan garka , sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo xiganaysa warbixin ka soo baxday Wasaaradda  faafinta wanaagga iyo  ka-hortagga xumaanta Afgaanistaan.

Isla hay’adan ayaa toddobaadkii hore soo saartay amar faraya xarumaha ganacsiga iyo dadka qaan-gaarka ah inaysan furnaan karin xarumaha ganacsiga oo aysan bannaanada joogi karin xilliga salaadda, iyagoo la faray inay ku tukadaan masaajidda si ay jameecada qeyb uga noqdaan.

Hadda go’aamadan dhamaman waxaa ay soo dhaweyn ka heleen dadweynaha Afgaanistaan, sababtoo ah waxay la xiriiraan shareecada Islaamka.