Sanaag: Bulshada reer Ceel-Afweyn oo aan u kala hadhin soo dhaweynta Madaxweyne Biixi

Ceel-Afweyn:20/08/2024(GNA)-Shacabka ku dhaqan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo galabta halkaas ku gaadhay.

Qaybaha kala duwan ee shacabka, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay jihada Koonfureed ee magaalada Ceel-Afweyn, waxana ay socod lug ah kusoo dhex mariyeen shaarica weyn ee magaalada dhex mara.

Weftiga madaxweynaha waxa la geeyey goob fagaare ah oo loo asteeyey inay shacabka kala hadlaan, waxana ugu horrayn halkaas ka hadlay maamulka degmada, madaxda gobolka Sanaag, cuqaasha deegaanka, siyaasiyiin iyo haldoor kale.

Madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta, badhasaabka gobolka Sanaag iyo haldoor kala duwan oo kasoo jeeda degmada Ceel-Afweyn oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka degmada uga mahadnaqay sida xamaasadda leh ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay ku dheeraadeen waxqabadka xukuumaddu ka fulisay degmada.

Wasiirrada wasaaradaha, horumarinta caafimaadka, Xannaanada Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Ganacsiga oo hadala u kala dambeeyey, ayaa bulshada reer Ceel-Afweyn uga mahadnaqay soo dhaweynta laxaadka leh ee ay ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa, waxana ay ugu baaqeen inay degdeg usoo afjaraan colaadda dhexdooda ah ee ragaadisay horumarkii deegaanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka degmada Ceel-Afweyn uga mahadceliyey soo dhaweyntooda, waxana uu si mug leh u sharraxay qiimaha nabadda iyo wada-jirku u leeyahay horumarka, waxana uu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabaddooda iyo walaaltinimadooda.