Dallada Ururrada Bulshada oo la kulmay guddida Doorashooyinka

Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo Dallada ururrada bulshada rayidka ah ee Sonsaf, ayaa maanta wada yeeshay kulan laba geesood ah.

Dallada ururrada bulshada rayidka Somaliland ee Sonsaf, ayaa Guddida Doorashooyinka warbixin faahfaahsan ka siiyay shaqooyinka baaxadda leh ee Dalladdu qabanayso marxaladaha kala duwan ee wakhtiga doorashada.

Intii kulanku socday, waxa ay labada dhinac isla garteen in ay curiyaan isfaham wada-shaqayneed oo ay ku wada shaqayn doonaan Guddida doorashooyinka qaranka iyo Ururrada bulshada rayidka ah ee Somaliland.

Waxa ay sidoo kale labada dhinac ku ballameen in ay yeeshaan kulan intan ka balaadhan oo dhexmara Guddida doorashooyinka iyo Ururrada Bulshada rayidka ah.

Dallada ururrada bulshada rayidka ee Somaliland ee Sonsaf, ayaa leh khibrad iyo waaya’aragnimo ku siman muddo Labaatan sanno ah oo hoggaaminaysay kaalinta Bulshada rayidka ah ee arrimaha doorashooyinka.