Dhakhaatiir Hindi ah oo ku sugan Hargeysa

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay dhakhaatiir ka timid dalka Hindiya oo dadkeenu u tagaan xaalado caafimaad.

Kulankan oo uu Wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Waaxda adeega Caafimaadka iyo Cusbitaalada Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan ayaa ugu horayn Wasiirku waxa uu soo dhaweeyey imaatiga dhakhaatiirtan oo ah, dhakhatiirta Hindiya loogu tago kuwa ugu muhiimsan, Wasiirku waxa uu cadeeyey in ay Somaliland tahay meel nabad ah oo u furan aduunka isla markaana ay soo dhawaynayaan cidkasta oo muhiim u ah Caafimaadka dalka iyo dadka reer Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay, marka bukaanku Hindiya tago in uu ka bixi jiray kharash aad u badan sidaas daraadeed hadii adeegii caafimaad ee Hindiya loo tagi jiray halkan laga helayo, in ay tahay wax la dhiirigeliyo, sidoo kale Wasiirku waxa uu kula dardaarmay Amal Grand Hospital in ay ilaaliyaan oo xoojiyaan badqabka bukaan isla markaana, aan qaali laga dhigin si ay uga faa’idaystaan dadka danyarta ah.