Amar lagu soo rogay Shirkaddaha Daawooyinka soo dejiya

Hay’adda Dhawrista Tayadda JSL ayaa ku amartay shirkadaha soo dejiya dawooyinku inay isticimaalaan Konteenarada leh Qaboojiyeyaasha.

Wareegto uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda JSL Mukhtaar Maxamed Cali oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaalladda Wararka ee Solna ayaa u dhignayd sidan:-

Guddida Hay’adda Dhawrista Tayada JSL iyada oo ka duulaysa xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada xeer Lr: 68/2014 qodobadiisa 7aad iyo 11aad.

Guddidu markay tixgelisay dhibaatada iyo waxyeelada kulaylka faraha badani daawada ku keeni karo inta ay soo raran tahay iyo inta hanaanka cashuurta la marinaayo ee ay dekada dhexdeeda taalo.

Guddida dhawrista tayaddu marka ay daraasad ku samaysay qiimaysayna tayadda daawada lagu keeno kontanarka qaboojiyaha leh iyo kontinarka qalalan in ay kale duwan yihiin oo kontanarka qaboojiyaha lehi ka fiican yahay xaga ilaalinta tayadda.

Guddida dhawrista tayaddu waxa ay dhamaan shirkadaha soo dejiya Dawooyinka faraysaa in dawooyinka ay ku keenaan koontinarka qaboojiyaha leh laga bilaabo 01/09/2024, si loo ilaaliyo tayadda iyo badgabka daawada dalka la keenayo.