Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka Ambassador Richard H. Riley.

Salaan iyo soo dhawayn ka dib waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka wanaagsan ee labada dal ka dhexeeya, nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika, arrimaha doorashooyinka, heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ugu horayn xog-waran guud ka siiyey safiirka arrimaha doorashooyinka Somaliland ka qabsoomi doona dabayaaqada Sannadkan, Waxaanu Madaxweynuhu xusay inay juhdi badan gelinayaan doorashada, culays kasta oo ay ku tahay Somaliland, kuna qabanayaan wakhtigeeda, iyadoo aanay cidina gacan ku siin, taana ay isla ogolyihiin reer Somaliland iyo axsaabta in dalka doorasho ka dhacdo, xukuumaduna ay dhamaystirtay waxkasta oo suurto-gal ka dhigaya in dalku u dareero doorashooyin.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu safiirka faahfaahin ka siiyey nabadgelyada mandaqada geeska Afrika, waxaanu is-dultaagay heshiiska is-afrad ee dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia, isagoo xusay in labada dal wixii ay ku heshiiyeen ay iyaga u gaartahay, isla markaana wax dhibaato ah aanay dalal jaarka iyo caalamkaba u lahayn, balse ay soo kordhin doonto iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dedaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka. Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey in Somaliland ay u leedahay waayo aragnimo buuxda wixii khilaafaad ah ee dhexdeeda ah, kuna dhamaysto gudeheeda xal nabadgelyo.

Dooda muqdisho ee ah marka uu hirgalo heshiiska isfahan ee Somaliland iyo ethiopia, waxa xoogaysanaysa Al-shabaab, kaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo, waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabadgelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dawladaha afrika ee xornimada ka qaatay Isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii Isticmaarka.

Safiirka Maraykankuna waxa uu cadeeyey inay dawladdiisu diyaar u tahay wada shaqaynta ka dhaxaysa Somaliland iyo Maraykanka, horumarka iyo dimu-quraadiyada ay Somaliland ku tallaabsatayna ay soo dhawaynayaan

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud.

Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey masuuliyiinta kala ah Geoffrey Parker iyo Obermueller Martin.

ALLAA MAHAD LEH
Naasir Yuusuf Daahir
Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL