Amar Soomaaliya bixisay oo sababi gaadhay Shil diyaaraddeed

Shil diyaaraddeed oo ka dhici gaadhay Hawada Soomaaliya, kaddib markii ay maamulka Xamar amar khaldan siiyeen Diyaarad ah leedahay QATAR AIRWAYS…Daawo Muuqaal
Maanta Abaaro 12 : 32 pm Africda Barri, Waxaa Diyaardda ay leedahay Qatar Airways duulimaadkeeduna ahaa (Qatari 6U) oo ka timi Dooxa kuna socatay (Entebbe) kuna duulaysay Joog ah (38000ft) ay si khaldan usiiyeen controllers ka Muqdisho inay korto 40,000feet.
Waxay diyaarada isku beegnaayeen oo iska hor imanayeen Diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines oo flight number keedu ahaa (Ethiopia 602) taas oo katimi Addis kuna socotay Dubia ,joogeeduna ahaan (39000ft) Diyaarada Qatari ayaa ku dhici gaadhay Diyaaradii Ethiopian Airlines ee ka saraysay.
Laakiin nasiib wanaag qalabka Diyaaradda ku xidhnaa ee loo yaqaan TCAS(Tiikas)( traffic avoidance collision system) ayaa digniin Deg deg siyay una sheegay jooga la siiyay inay ku jirto Diyaaradda kale, qalabkaas ayaa ku amaray diyaarda Qatar inay aanay fuulin level kaas ama jooga 40,00ft.
Diyaaraduhu waxay isu jireen masaafo khatar badan , waxase kala badbaadiyay qalabkaaas ku xidhan labada diyaaradood.