๐ ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ฎ๐บ๐ต๐๐๐ฟ๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ฑ๐ฎ๐ฎ๐ต-๐ณ๐๐ฟ๐ฎ๐ ๐๐บ๐๐ถ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ถ๐ด๐ฎ ๐ฎ๐ต ๐ฒ๐ฒ ๐ฑ๐๐ด๐๐ถ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ถ๐๐ผ ๐/๐๐ต๐ฒ๐ ๐ฒ ๐ผ๐ผ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ป๐๐ฎ ๐๐ถ๐น๐ฎ๐ฎ๐ฏ๐บ๐ฎ๐.
Hargeysa -(GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo siddeedaad ee dugsiyada Hoose dhexe oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan dalka Somaliland.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daaโuud Axmed Faarax, ayaa imtixaanka si rasmi ah uga daah-furay dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar, waxana uu gacantiisa ku qaybiyey nuqullo kamid ah imtixaanka saaka ka bilaabmay dalka oo dhan.
Ugu horrayn, guddoomiyaha imtixaanaadka Qaranka, Mudane Daaโuud Axmed Faarax oo halkaas ka hadlay, ayaa sharraxay tirada ardayda ee sannadkan imtixaanaadka shahaadiga ah gelaysa, waxana uu sheegay inay sannadkan u fadhiisanayaan 25,000 (Shan iyo labaatan kun) oo dugsiyada dhexe ah iyo 16,000 (Lix iyo toban kun) oo arday oo dugsiga sare ah, waxa sidoo kale ku jira 3, 243 arday oo ah ardaydii Gobolka Sool oo ay gobolkooda xaaladi ka jirto.
Waxa kale oo xusid mudan in ay sannad imtixaanaadka u fadhiisteen ardayda baahiyaha araga qaba, waxaana imtixaanaadka maanta looga fadhiistay 300 oo goobood oo dalka ah.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa isaguna madaxweynaha uga mahadnaqay daah-furka imtixaanka qaranka ee maanta bilaabmay, waxana uu ardayda u rajeeyey guul.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban goobta ka jeediyey, ayaa ardayda u duceeyey, kulana dardaarmay inay iska saaraan cabsida imtixaanka, niyaddooda wanaajiyaan, isaga oo bahda waxbarashada iyo guud ahaan qarankaba uga mahadnaqay hirgelinta imtixaanka iyo diyaarintiisaba, waxana uu yidhi,โImtixaanka waa lasoo wada maray, laakiin wuxuu lamid yahay casharradii hore oo kale oo wax weyn ma aha, haddii wax qaldamaanna berri baa la saxayaa, waxan markaa dhammaan ardayda u rajeynayaa imtixaanka inay ku guulaystaan, waxan hambalyeynayaa wasaaradda waxbarashada iyo dhammaan qaranka Somaliland oo horumar weyn sameeyey.โ
Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo kormeeray qaar kamid ah goobaha ay ka socoto qaadashada kaadhadhka cod-bixiyeyaasha ee gudaha caasimadda Hargeysa.
Wa-bilaahi Tawfiiq