Hargeysa -(GNA)Hooyo Farduus Maxamed Saleebaan, waa hooyo haysta 3 caruur ah, waxa ay degan tahay magaalada Hargeysa gaar ahaan xaafada Xidigta.
Hooyadan 3-da carruur ah ee ay dhashay waxa goobihii waxbarashada, sida iskuuladii iyo madaaristii Qurโaanka Kariimka looga soo eryay lacag laโaan, guriga ayay u dhexjoogaan iyaga markasta oo hooyadood waydiiya wakhtiga ay ku noqon doonaan iskuuladoodii ee ay dib ula midoobi doonaan macalimiintii iyo ardaydii ay isku fasalka ahaayeen.
Hooyadan iyada oo warwaran iyo qalbijab weyni ka muuqdo waxa ay sheegtay in suโaalaha ubadkeedu ay qalbigeeda gubaan, balse iyada uuni ay kali ku tahay oo saygeediina ka maqan yahya, cid aan ALLE hayn oo u maqanina aanay jirin.
Hooyo Farduus waxa ay ka mid ahayd haweenkii ka xamaalan jiray Suuqii gubtay ee Waaheen, balse hadda shaqo laโaanta iyo duruufaha adag kuwajahaya magaalada iyada iyo haweenkale oo la duruuf ahi.
Waxa ay sheegtay in dadkii ku hantibeelay uun wax la siiyay balse dadkii xamaaliga ahaa ee cidkale u shaqaynayay aanay ciddi isweydiin, waxa ay intaas ku dartay in subaxkasta ay guriga ka baxdo balse iyada oo aan xabad Roodhiya usidin ubadkeeda ay dib ugu soo laabato, iyada oo cuno laโaan iyo waxbarasho laโaan gurigii ay kaga tagtay halkii la fadhiya.
Waxaaney tidhi.โWaxaan ka mid ahaa hooyooyinkii ka xamaalan jiray suuqii gubtay ee Waaheen, guriga aan ku jira waa kiro, kiroba kiro ayay ii dhiibta, hadda bila shaqada ku ah magaalada Hargeysa, hooyo caafimaad qabta oo xoogeeda ku shaqaysan karta ayaan ahay, waxaan guddida taakulaynta suuqa Waaheen aan ka codsanaya in ay shaqo abuur noo sameeyaanโ
โGuriga waxbarasho laโaan ayay carruurtu igu fadhiyaan, iskuulkasta iyo madarasadkasta feegii oo aan waayay ayaa loo soo eryay.
Waxa la yidhi โhaddii aydaan haysan lacagtii iskuulka iyo madarasada kaabada nooga dhaadhacahadda halkaasi waxa ay ii fadhiyaan waa shan bilood, kadib markii suuqii aan yoomiyaha ka heli jiray uu baabaโay, wax allaale iyo wax aan ka soo shaqeeyaana aanu jirin subax kasta waan kalaha wax shaqo ah oo aan hayo ama aan soo helana ma jiraan, iyaga oo carruurtaydii qatan oo waxbarasho seegay ayaan ku soo laabta.
Masuuliyiinta dawladda Somaliland oo madaxweynuhu ugu horeeyo ayaan kaalmo waydiisanaya, ILLAAHEYba kaalmo hayeโ
Hooyadani waxa ay dalbatay in masuuliyiinta dawladda oo madaxweynuhu ugu horeeyo, ganacsatada, masuuliyiinta waxbarashada iyo cidkasta oo kaalmo ka gaysan karta xaalada ay ku sugan tahay ay kaalmeeyeen, caawiyaan wixii ay tari karaana ay taraan.
Qaybaha kala duwan ee dadkii ka xamaalan jiray suuqa Waaheen waa kuwa sida hooyadan oo kale nolosha la daala dhacaya, waxa loo baahan yahay qorshe nolosha bulshadani lagu badbaadinayo, sida in loo sameeyo shaqo abuur iyo in la baro xirfado ay ku shaqaysan karaan oo ay kaga gudbi karaan buundada nolosha ee sii adkaanaysa maalinba maalinta ka danbaysa.
๐๐ถ๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ถ ๐ ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ป ๐ถ๐ป ๐ฎ๐ ๐น๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ผ ๐ต๐ผ๐ผ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ต๐ฎ๐ธ๐ฎ๐น๐ฎ ๐ ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ผ ๐๐ฒ๐น๐ฒ๐ณ๐ผ๐ผ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ฌ๐ฒ๐ฏ๐ฐ๐ญ๐ด๐ฎ๐ด๐ฑ๐ณ
Xigasho: Khadar Maxamed Xaashi