Sagaalka urur-siyaasaddeed ee cusub oo ku dhex dhacay Saaxadda Siyaasadda ee khilaafku ka taagan yahay

Akhri 8 qodob oo ay soo saareen

Hargeysa(GNA)-Urur-Siyaasaddeedyada cusub ee ka soo gudbay marxalada kala reebista ee sugaya doorashada, ayaa war-saxaafaddeed ay soo saareen kaga hadlay mowqifkooda ku wajahan arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan doodda labada xisbi mucaarid ku diiddan yihiin inay wakhtiga u horeeya qabsoonto doorashada asxaabta iyo ururradu, waxaanay warkooda soo saareen Salaasada Maanta.

War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexnaayeen sagaalka Urur-siyaaddeed ee u soo gudbay marxalada Doorashada tooska ah oo kala ah; Ogaal, Shacabka Somaliland, Waaberi, Kaah, Horseed, Rejo, Mideeye, Barwaaqo iyo Hilaac, ayaa lagu sheegay in doorashada ugu soo horraysa ee waddanka ka dhici kartaa waa doorashada ururada iyo xisbiyada ee ay kasoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee waddanku yeelan doono 10-ka sano ee soo socda.

Ururrada waxa kale oo ay soo jeediyeen in wixii khilaaf siyaasadeed ah ee jira ay ka wada hadlaan daneeye-yaasha siyaasadda ee kala ah saddexda Xisbi Qaran, sagaalka Urur Siyaasadeed, Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku, waxaanay intaasi ku dareen in habka keliya ee xukunka dalka lagu iman karaa ay  tahay dariiqa doorashada oo aan Dastuurka qaranka iyo curfiga dawliga ah midna jidaynayn in dawlad la’aani timaaddo oo xukunku bannaanaado (power vacuum).

 

Beyaanka ay soo saareen sagaalka Urur-siyaasaddeed, ayaa isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay qaadatay hannaanka dawladnimo ee ku dhisan nidaamka axsaabta badan iyo in xukunka lagula kala wareego doorashooyin u qabsooma si xor iyo xalaal ah. Dastuurka JSL-na waxa uu damaanad qaaday xaqa muwaadinku u leeyahay in la doorto, waxna uu doorto, iyadoo dastuurku xaaraan ka dhigay in saaxadda siyaasaddu cid gaara u xidhnaato.

Sidoo kale, waxa uu dastuurku xaaraan ka dhigay in dhismaha Xisbiyada/Ururrada Siyaasadda lagu saleeyo hannaan qabiil amma kooxeed oo hor seedi kara kala qayb-sanaan iyo tafaraaruq bulshada ku yimaadda oo dhaawaca wax-wada lahaanshaha iyo midnimada. Si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka doorashooyinka, Urur/Xisbi kastaa waa inuu helaa kalsoonida codbixiye-yaasha si uu u noqdo mid ka qayb gala talada dalka.

Kalsoonida codbixiye-yaasha waxa ay tahay in lagu kasbado sifo sharciga waafaqsan oo ah barnaamij siyaasadeed-ka uu rabo inuu ku hoggaamiyo dalka oo qeexaya sida uu Ururkaas/Xisbigaasi wax uga qabanayo arrimaha taabanaya nolosha dadka iyo dhismaha qaranka.

Somaliland waxa ay ku taallaa gobol ay ka ooganyihiin xasarado iyo qalalaase badani, taas oo dadka reer Somaliland iyo Dawladdooda ku waajibinaysa inay si mug leh u ilaashadaan xasiloonidooda iyo deganaanshaha waddankooda oo ay usoo mareen halgan dheer oo ugu jooga qiime badan.

Tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo xuquuqaha siyaasadeed ee dastuurku damaanad qaaday waa in loo raadiya si xikmad iyo masuuliyadi ku dheehantahay oo aan dhaawacayn nabadda iyo degganaanshaha dalka.

Sidaas darteed, shir balaadhan oo ay isugu yimaaddeen hoggaamiye-yaasha Ururrada Siyaasadda ee ku midoobey dalladda Ururaddu waxa ay ka arrinsadeen xaaladihii ugu dambeeyey ee kasoo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka waxaana ay soo saareen qodobbadan:

  1. Ururrada Siyaasaddu waxa ay ku baaqayaan in la ilaaliyo xasiloonida iyo nabadda waddanka, wixii tabasho ahna loo maro dariiqa ay jideeyeen dastuurka, xeerarka doorashayooyinka iyo qaraarkii ay soo saartay Maxkamadda Dastuuriga ah.
  2. Si waafaqsan qododbka 9aad ee dastuurka JSL iyo qodobka 5aad ee xeer 14/2011, doorashada ugu soo horraysa ee waddanka ka dhici kartaa waa doorashada ururada iyo xisbiyada ee ay kasoo bixi doonaan saddexda xisbi qaran ee waddanku yeelan doono 10-ka sano ee soo socda, kana qayb geli doona doorashooyinka dalka ee ay ugu soo horrayso doorashada Madaxweynuhu.
  3. Si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka, diyaarinta diiwaangelinta codbixiyayaasha, jawiga doorashada, jadwalka doorashada qabsoomidda doorashada waxa ka masuul ah una madax bannaan Guddida Doorashooyinka Qaranka. Ururada Siyaasaddu waxa ay diyaar u yihiin inay si dhow iskaashi iyo wada shaqayn ula sameeyaan Guddida Doorashooyinka Qaranka.
  4. Waxa aanu ku baaqayna in wixii khilaaf siyaasadeed ah ee jira ay ka wada hadlaan daneeye-yaasha siyaasadda ee kala ah saddexda Xisbi Qaran, sagaalka Urur Siyaasadeed, Xukuumadda iyo Guddida Doorashooyinka Qaranku. Marxaladdan la marayo Ururada Siyaasaddu waxa ay leeyihiin xuquuq la siman midda saddexda Xisbi Qaran oo liisankoodu ku egyahay 26/12/2022, mana aqbalayaan wada hadal siyaasaddeed oo aanay daraf ka ahayn.
  5. Habka keliya ee xukunka dalka lagu iman karaa waa dariiqa doorashada. Dastuurka qaranka iyo curfiga dawliga ah midna jidayn maayo in dawlad la’aani timaaddo oo xukunku bannaanaado (power vacuum). Sidaa darted, waxaanu ka digaynaa in Axsaabta mucaaradku ay sharciga iyo bulshadaba marin habaabiyaan.
  6. Ciidamada qalabka sida iyo laamaha amniga ee qaranka waxa waajib ku ah inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan dastuurka qaranka iyo xeerarka ka dheegma, iyadoo ay xaaraan tahay in lagu sameeyo faro gelin siyaasaddeed.
  7. Xukuumadda waxa ku waajib ah inay ilaaliso amniga iyo bed qabka muwaadiniinta. Ururadda Siyaasaddu waxa ay ku baaqayaan inaan muwaadiniinta u bannaan baxaya si dastuurka waafaqsan loo adeegsan xoog saayid ah oo xad gudub ku ah bed-qabka muwaadinka.
  8. Dalladda Ururrada Siyaasaddu waxa ay u mahadnaqayaan Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee sida wanaagsan usoo maamulay marxaladihii kala dambeeyey ee Ururrada Siyaasaddu soo mareen oo hawshoodu socotay 27/06/2022 ilaa 06/11/2022.

Ugu dambayna 9 Urur Siyaasadeed u gudbeen marxaladda u damabysa taasoo ay ku tarmi doonaan saddexda (3) Xisbi iyo sagaal-ka (9) wakhtiga ay Guddida Doorashayooyinku Cayimaan.