Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta Wershadaha oo gaadhay isfaham wada-shaqayneed

 

Hargeysa(GNA)Xukuumadda Somaliland iyo Hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan horumarinta Wershadaha UNIDO, ayaa markii ugu horaysay gaadhay isfaham oo wada-shaqayneed, kaddib kulan magaalada Hargeysa ku dhex maray masuuliyiin ka socday hay’addaasi iyo Madaxda wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo wershadaha Arbacadii maanta.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha mudane Abdilahi Abdirahman Aare oo ay wehelinayaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Mohamed Osman Saed iyo Agaasimaha Waaxda Horumarinta Warshadaha Fuad Rashid Bullo, ayaa kulan la qaatay wefti heer sare oo ka socda hay’adda UNIDO oo uu hogaaminayey u qaabilsanaha dalalka Somaliland iyo Somalia Mr Ygor Scarcia iyo Mr. Arup Baruah oo ah khabiir oo ay weheliyaan laba xubnood oo farsamo,kuwaasoo booqasho dalka ku yimi.

Weftigan, ayaa ujeedadda socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay Somaliland ula bilaabi lahaayeen wada shaqayn,  isla markaana uga caawinn lahaayeen barnaamijyada horumarinta maalgashiga iyo warshadaha,iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee ay UNIDO timaado dalka, kaddib dadaal iyo xidhiidho is daba jooga oo ay wasaaraddu la samaysay, taasoo imaanshiyaha masuuliyiintan sabab u noqday.

Wasiirka Wasaaradda Maalgashiga Md. Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare, ayaa uga mahad naqay weftigan booqashada ay dalka ku yimaadeen iyo sida milgaha leh ay u soo  ajiibeen dalabkii ay u dirtay wasaaraddu.

Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay xaalada guud ee dalka,  mida dhaqan dhaqaale iyo guud ahaan shaqada iyo waajibaadka ay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaduhu u hayso dalka, isagoo bandhigay meelaha ay wasaarad ahaan rabaan inay kala shaqayso hay’adda UNIDO iyo sidoo kale meelaha mudnaanta u leh.
Wasiirka ayaa weftiga hordhigay qodobo qorsheysan, kuwaasoo ay ugu muhiimsan yihiin:-

• Diyaarinta Siyaasadda iyo Xeerka Horumarinta Warshadaha
• Dhisida aaga warshadaha ee dalka gaar ahaan ka Hargaysa
• Samaynta daraasaddo iyo cilmi baadhisyo khuseeya warshadah
• Kor u qaadista aqoonta iyo tayaynta shaqaalaha wasaaradda iyo wasaaraddaba
• Helida khubaro ku takhasustay aqoonta warshadaha
• Iyo dhamaan mashaariicda kor u qaadaya horumarinta maalgashiga iyo warshadaha dalka.

Dhinaca kale xubnaha ugu sareeya Hay’dda UNIDO ee dalka yimid ayaa uga mahadnaqay Wasiirka, Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Waaxda Warshadaha iyo guud ahaanba Wasaaradda soo dhawaynta diiran iyo waji furnaanta ay kusoo dhaweyeen, waxaanay muujiyeen inay xiisaynayaan wada shaqaynta ay rajaynayaan inay la yeeshaan Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo imaanshahooda ay yimaadeen Somaliland.

Sidoo kale weftigu iyagoo ka wakiil ah Hayada UNIDO isla markaana afkooda ku hadlaya waxay balan qaadeen inay sida ugu dhakhsiyaha badan uga bilaabi doonaan Somaliland mashaariic lagu horumarinayo maalgashiga iyo warshadaha dalka iyo sidoo kale kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland.

Ugu dambayn Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha iyo weftiga UNIDO ayaa isla qaatay inay bilaabaan xidhiidho joogto ah oo ay yeeshaan masuuliyiinta labada dhinac ee xaga farsamadu si ay isula meel dhigaan, isulana qaataan meelaha mudnaanta u leh labada geesood ee laga wada shaqayn doono.
Kulankan wuxuu ku idlaaday is af garad iyo Isfahan laga gaadhay dhamaan arimihii laga wada hadlay.