Burco: jid xidhnaa oo la furay

Dowladda hoose ee degmada Burco, ayaa fulin ku sameysay jid sharcidarro ah oo ay xidheen dad shacab ahi, waxaaney sheegeen in uu muran ka taagna lahaanshaha goobtaas oo wado ahayd kuna taala degmada Sheekh Bashiir, gaar ahaan Xaafada Actober xabaalaha agtooda.

Sidoo kale waxa ay xuseen in ay baneeyeen jidkan oo dhismayaal laga dhisay, waxaaney digniin u direen cidkasta oo ku hawlan xidhista jidadka dhexmara xaafadaha magaalada Burco, waxaaney fareen inay ka waantoobaan.

Geesta kale waxa ay intaas ku dareen masuuliyiinta dowladda hoose ee degmada Burco inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xaqa waddooyinku leeyihiin.

Gaba-gabadii agaasimaha Waaxda hawlaha guud ee dawladda hoose ee degmada Burco, Maxamed Cabdi Maxamuud, ayaa sheegay in wadda kasta oo lagu dhiso sifo sharciga baalmarsan ciddii dhista laga qaadi doono gaanax adag isla markaana la xidhi doono, iyada oo aanu wax saamaxaada yeelaneyn.