Hogaamiyihii Siyaasadda ee Ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada lagu dilay magaalada Tehran ee caasimada dalka Iiraan, sida ay sheegeen ururka Xamaas iyo xukuumadda Tehran.
Israa’iil ayaa sheegatay dilka masuulkan sare goor dambe oo maanta ah, taasoo markhaati u ah eeddeyn hore loogu jeediyey inay ka dambeysay dilkaasi.
Hogaamiyaha sare ee Iiran iyo Madaxweynaha cusub ee dalkaasi ayaa labaduba ku hanjabay inay u aargudi doonaan Haniyah.
Israa’iil ayaa sanad ka badan kula jirtay dagaal culus kooxda Xamaas, waana hogaamiyihii labaad ee ee ay dillaan tan iyo wakhtigaasi.
Dilka Masuulkan ayaa dabka ku sii shidaysa xiisadda sii holcaysa ee gobolka bariga dhexe.