Israa’iil miyay awooddaa inay gudaha u gasho Lubnaan iyo saldhigyada Xisbullah? 

Si tartiib tartiib ah xiisadda Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare u kacaysa, tan oo ka dambeysay, markii ay Xisbullah si is daba-joog ah oo awood leh ay u weerartay saldhigyada iyo deegaannada Israa’iil ee ku dhow xadka Lubnaan, waxaa xigtay weerar ka careysiiyay Israa’iil oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay in ka badan 12 Israa’iiliyiin ah iyo dhaawaca ku dhawaad 50 ruux oo ka dhacay magaalada Majdal Shams oo ku taal woqooyiga Golan Heights oo ku dhow xadka Lubnaan, kaddib markii gantaal lagu dhuftay garoon kubadda cagta ah oo dadweyne badan ay ku sugnaayeen , wallow ay Xisbullah diidday inay weerarkaa ka dambeysay, haddana Israa’iil iyo Mareykanka ayaa ku adkeystay inay Xisbullah inay soo ridday gantaalka dadka badan ay ku dhinteen.

Runtii,Israa’iil hadda waxay haysataa qiil ku filan si ay u weerarto Lubnaan, ka sakow dhimashada badan sidoo kale boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku barakacay weerarrada Xisbullah, halka ay sare u kaceen muuqaallada dacaayada ah ee kooxda ay soo bandhigayso oo uu u dambeeyay midkii toddobaadkii hore ay soo bandhigtay ee shakiga geliyay nidaamka difaaca iyo tignoolajiyada la socodka hawada Israa’iil, kaaso soo muujiyay saldhigyada ciidanka iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah oo ay ciidanka Israa’iil ku haystaan meel ka fog xadka Lubnaan. Sidoo kale, Israa’iil waxay markii hore doonaysay inay ka faa’iidaysato fursadda ay ku khasbayso Xisbullah si ay ugu gaarto meel ka baxsan wabiga Litani, xataa xukuumadda Netanyahu ayaa tan doonaysa…maxaa yeelay dagaalku dhinaca kale, wuxuu qancinaya midigta fog, dhinaca kalena, waxa uu sii dheeraynayaa cimriga xukuumadda Netanyahu!

Laakiin ciidan ahaan, Israa’iil ma awoodaa in ay taas samayso?

Dhab ahaantii, Israa’iil waxay awood u leedahay inay weerarto Lubnaan … laakiin qiimaha ay ku bixin doonto aad ayuu u sarreeyaa. Sababtana waan kuu sheegayaa…! Marka hore, Israa’iil hadda way adagtahay inay gasho laba dagaal oo isku mar ah, marka labaad ma ogtahay in Xisbullah ay tahay ururka ugu hubka culus adduun oo dhan? Marka saddexaad, ma xasuusataa in dhawrkii toddobaadyadii la soo dhaafay aad daawatay muuqaallo muujinaya in Xisbullah ay toogatay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ugu dambeeyay Israa’iil oo ka mid ah kuwa ugu tignoolajiyada sarreeya caalamka ee Hermes March 900? Ka dib waxaan aragnay war ku saabsan Xisbullah oo bartilmaameedsatay diyaaradda F-16 ee Israa’iil!

 

Hagaag, halkan waxaan kuugu sheegi doonaa macluumaadkan — Gantaalada garbaha laga ridi ma soo ridi karaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Hermez 900, sababtoo ah diyaarada ayaa ku duuleysa joog dheer, iyadoo gaareysa qiyaastii 30,000 mitir, xataa nidaamyadii hore ee difaaca hawada ma soo ridi karaan diyaaradan,taas oo la macno ah in Xisbullah ay leedahay hab-difaac dhexe oo aad u horumarsan.

Tan iyo markii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay soo rideen diyaaradda aan duuliyahan lahayn ee Mareykanka uu soo saaro ee Mq-9 reaper, oo ah diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee ugu sarreeya adduunka oo qiimo ahaan halkii xabo ku fadhisa 30 milyan oo doollar, markaa qof kasta wuxuu garanaya halka ay Xisbullah iyadana ka keentay awoodda ay ku soo rideyso diyaaradaha Israa’iil.. !

Laakin su’aashu waxay tahay, haddii aan niraahno Xisbullah waxay leedahay nidaamka difaaca hawada ee dhexdhexaadka ah, noocaan waxaa leh oo keliya dawladdo, ma laga yaabaa in Xisbullah ay soo rido diyaaradaha Israa’iil haddii Israa’iil ay go’aansato in ay bilowdo hawlgal duqayn ah koonfurta iyo waqooyiga Lubnaan?

Runtii, nidaamka difaaca hawada ee ay leedahay Xisbullah ayaa awood u leh in ay soo ridaan diyaaradaha aan duuliyahan lahayn, laakin ma soo ridi karaan F-16, iskaba daayee F-35. Diyaaradda F-16 ayaa sameyn karta dhaq-dhaqaaq si uu uga baxsadaan gantaalada nidaamka hawada,taas macnaheedu waxa weeye in Israa’iil ay si raaxo leh u duqayn karto koonfurta Lubnaan, balse Xisbullah waxa ay curyaamin kartaa Israa’iil haddii Israa’iil ay go’aansato in ay weerar dhulka ah ku qaado Lubnaan. Xisbullah waxay indhaha ka ridi karta ciidanka lugta ee Israa’iil iyadoo bartilmaameedsanaysa diyaaradaha xogta aruuriya ee aan duuliyaha lahayan, waxayna tani aad u adkeyn doontaa in ciidamada dhulka ay howlgalaan.

Waxaa intaas dheer in Xisbullah ay haysato gantaalada lidka taangiyada oo aad u horumarsan oo marar badan ka awood badan gantaalka Al-Yaasiin, taas oo la macno ah in haddii uu madfacaasi ku dhaco taangiga ay askartii ku jiraan wuu guban doona si dhaqso ah… Xisbullah waxay haysataa gantaallo aad u tiro badan oo gaari kara meel kasta oo Israa’iil ah, qiyaasaha waxay muujinayaan in Xisbullah ay haysato ku dhowaad ​​120,000 oo gantaal,taas macneheedu waxa weeye in Xisbullah ay kun gantaal ku ridi karto Israa’iil maalintii afar bilood oo xiriir ah, waana tiro aad u badan oo nidaamka Iron Dome aanu awood u lahayn inuu xamili karo, xilli ay dabayaaqadii bishii hore soo shaac baxday inay Israa’iil shirkadaha difaaca ee Mareykanka iyo Yurub kala hadashay sidii dib loogu horumarin lahaa Iron Dome , kaaso la sheegay inay ku adkaatay inuu celiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is qarxiya ee Xisbullah, intaa oo jirta Xisbullah ayaa sidoo kale haysata gantaalada lidka maraakiibta oo aad u horumarsan, waxa kale oo ay leedahay diyaarado ismiidaamin ah oo aad u horumarsan. Xisbullah waxay leedahay khad sahayda saadka ah oo furan oo aan la go’doomin karin si ka duwan Qasa oo la go’doomiyay.Sidoo kale dagaalyahannada Ciraaq iyo Suuriya waxay u iman karaan inay taageeraan Xisbullah haddii ay dhacdo duulaan kasta oo dhulka ah!

Sababahan dartood, waxaan aaminsanahay in aysan suurtagal ahayn in Israa’iil ay fuliso howlgal dhulka ah oo ballaaran oo ay ku gasho Lubnaan.Tani waxay ka dhigan tahay in haddii dagaal la go’aamiyo, dagaalku wuxuu ku koobnaan doonaa duqeymo xooggan oo xagga hawada ah oo keliya, iyada oo aan la isku dayin howlgal baaxad leh oo ka dhaca dhulka.

Xigasho: Iman Jama